Latest

May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - webdesign

Home » Maqaallo, Warar

Soo dhaweynta wafdiga dowladda ee Kismaayo ayaa muujisay inaanu khilaaf jirin (xog)

(Salaamanews)-Khamiistii shalay waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose yimid wafdigii ugu sareeyay oo magaalada soo gaaray tan iyo markii ay qabsadeen ciidamada huwinta ah oo magaalada si xoog ah uga qabsaday kooxda Al-shabaab.

Magaalada Kismaayo oo gacanta dowladda gashay muddo ka dhaw seddex bilood ka hor ayaa waxaa muran uu ka jiray maamulkeeda waloow ugu dambeyn la sameeyay maamul kumeel gaar ah hadana waxaa isqab qabi xoogani uu ka dhashay maamul loo dhanyahay oo loo sameeyo Jubooyinka.

Maamul u sameynta Jubooyinka waxaa kaalin muuqata ku leh bulshada ka soo jeedda gobolka oo kaashaneysa dowladda Soomaaliya, waxaase la soo muujinayay maalmihii dambe in ismaan dhaaf uu u dhexeeyo dowladda iyo ururka Raaskambooni.

Gudoomiyaha ururka Raaskambooni ahna sii hayaha maamulka Kismaayo Axmed Maxamed Islaam, ayaa warbaahinta u sheegay inaanu jirin khilaaf u dhexeeya dowladda iyo maamulkiisa, wuxuuna sheegay inuu ka qeyb qaatay soo dhaweynta madaxda dowladda.

Sheekh Axmed Madoobe waxa uu sheegay in mad-madowgii ka dhex jiray labada dhinac uu dhammaaday, xiriirka ka dhexeeya maamulka KMG ah iyo dowladda federaal-kana uu yahay mid wanaagsan.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) gudoomiyaha raaskambooni oo sheegaya inaanu is khilaafsaneyn iyaga iyo dowladda

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) gudoomiyaha raaskambooni oo sheegaya inaanu is khilaafsaneyn iyaga iyo dowladda

Sheekh Axmed Madoobe ayaa warbaahinta gudaha ku eedeeyay inay buun-buuniyeen warar aan sal iyo raad lahayn, wuxuuna xusay in warbaahinta looga baahan yahay inay ka shaqayso nabadda.

Dhinaca kale, afhayeenka ururka Raaskambooni Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegay in wafdigii dowladda ee shalay Kismaayo tagay ay xalay ku hoydeen magaalada, wuxuuna sheegay inay kala hadleen qodobbo ay kamid ahaayeen ammaanka iyo sidii loogu qaban lahaa dadka ku dhibaataysan gobolka Jubbada Hoose.

Waxa uu sheegay inaanay ka wada-hadlin arrinta maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka oo uu sheegay inay ku salaynayaan dastuurka dalka,  isagoo intaa raaciyay inaysan ka wada-hadlin in ciidamadooda ay ku biiraan kuwa dowladda.

Wafdiga ay ku jiraan wasiirka cadaaladda iyo garsoorka Cabdullaahi Ebyan,wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka  arrimaha gudaha, Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo wasiirka warfaafinta Cabdullaahi Cilmooge Xirsi ayaa shalay booqasho ku tagay magaalada Kismaayo.

Salaamanews

Kismaayo-Jubadda-hoose

Info@salaamanews.com

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal