Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Keydka sawirrada, Warar

Soomaalida Minnesota oo billad-sharafsiisay wasiirkii hore ee gaadhaandhigga (Daawo sawirro)

(Salaamanews)-Munaasibadda billad-sharaftan lagu bixinayey oo ka dhacday magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota, oo ah halka ay ku dhaqan yihiin Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool ayaa waxaa ka soo qeybgalay dad badan oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ciidan oo hore,  xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya,  iyo waliba hogaamiyeyaal bulsho.

Gen: Maxamed Cusmaan Qaadi, oo ka mid ahaa saraakiishii hore ciidamadii dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo billad-sharaftan gudoonsiiyey wasiirkii hore ee difaaca ee Soomaaliya,  ayaa munaasibadda ka sheegay in Soomaalidu ay gashay waji-cusub oo tilmaamaya in laga gudbay qaskii iyo faham la’aantii qeymaha uu qaranku leeyahay, taasina ay daliil u tahay shacabka Soomaalidu ay abaal mariyaan hogaamiyeyaashooda sida wanaagsan u gutay waajibaadka qaranka, islamarkaana muujiyey karti iyo howl-karnimo.

Xusseen Carab Ciise, waxaa uu wasiirka difaaca ka noqday dowladii kumeel-gaarka ahayd ee madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed, waxaa muddadii uu xilkaasi hayey ciidamada xoogga Soomaaliya oo kaabid ka helaya kuwa nabad-ilaalinta midowga Afrika ay qabsadeen, islamarkaana ay ka saareen kooxda Al-shabab dhul balaaran iyo magaalooyin waaweyn oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay sanado badan ka talinayeen, kuwaasi oo ay ka mid tahay magaaladda Muqdisho ee caasimadda wadanka.

Waxyaabaha billad-sharaftan lagu bixiyey ayaa lagu sheegay “gudasho waajibaad qaran “ oo ay ka mid yihiin dib-u-dhiska ciidamada xoogga iyo ku dhiirashada furimaha hore xiliga dagaalka, iyadoona goobta lagu soo bandhigay muuqaallo ka turjumaha IMG_0134waxqabadkaasi laga dhawaajiyey.

Wasiirka hore ee difaaca ee dalka Soomaaliya Xusseen Carab Ciise, oo isaga qudhiisu ka hadlay munaasibaddan billad-sharafta lagu gudoonsiinayey ayaa shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey sida ay u garab istaageen dowladda Soomaaliya gudaha iyo dibaddaba, waxaana uu sheegay in guusha lagu abaal mariyey  ku garabsiiyeen dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka Soomaaliya.

“Aad ayaan idin kaga mahadcelinayaa abaal-marintiina, taasina waxaa ay daliil u tahay sida aad u garab taagan tihiin dowladdiina iyo madaxdiina intaba,” ayuu yiri Xusseen Carab Ciise. Isagoo intaasi raaciyey “Soomaaliya maanta meel wanaagsan ayey gaartay dibna uga noqonmayso meesha ay joogto.”

Muddo ka badan 21 sano Soomaaliya kama jirin dowlad dhexe oo si wanaagsan u shaqeysa wixii ka dambeeyey markii ay burburtay dowladdii militeriga ahayd ee madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, waxaana wixii xiligaasi ka dambeeyey dalka soo maray dowladdo kumeel-gaar ah, kuwaasi qaar badan madaxdooda ka mid ahna lagu dhaleecayn jirey howl-gudasho la’aan iyo musuq-maasuq dhaqaale, iskaba daa billado la’gudoonsiiyo.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Maxamed Faarax Talyaani

Minneapolis, Minnesota

 

 

 

 

 

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal