(Salaamanews)-Shika caalamiga ah ee looga hadlo sanadkiiba mar cimillada aduunka ayaa waxaa Jimcaha maanta ah lagu soo gaba gabeeyay magaalada Dooxa ee xarunta wadanka Qadar.
Shirkaasi oo ay ka soo qeyb galeen 180-wadan ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan, iyadoo dalka Soomaaliya uu kaga qeyb galay.
Agaasimaha Wasaaradda Kheyraadka mudane Axmed Iimaan, oo Soomaaliya u matalayay shirka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in shirkaasi ay Somaliya si weyn uga dhex muuqatay.
‘’Somaliya waxaa loo doortay Afhayeenka in ka badan Lixdan Wadan oo ka mid ah wadamada soo koraya, halka waddanka Zambiya loo doortay guddoomiye, taasina waxey muujineysa sida ay Somaliya uga dhex muuqatay shirkaasi’’ ayuu yiri Agaasimaha Wasaarada Kheyraadka.
Shirkan looga hadlayay isbedelka Cimilada iyo dhowrista deegaanka ayuu sheegay Agaasimuhu in looga hadlay dhowrista deegaanka iyo dhuxusha Somaliya ee loo iibgeynjiray wadamo ka mid ah Khaliijka.
Waa markii ugu horreysay oo dalka Soomaaliya loo magacaabo afhayeenka wadamada daneeya cimillada dunida, waxaana la filayaa in sanadka soo socda xubin muhiim ah loo tixgaliyo dalkeenna Soomaaliya.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






