Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Maqaallo, Warar

SOOMAALIYEY BALANTEENU WAA NABAD!! QORMO XIISE LEH! QALINKII CABDULLAHI CALAS JIMCAALE

Waa Furaha Nolosha, qiimaha ay leedahey ma ahan wax la soo koobi karo,marka la soo hadal qaado erayga Nabad, qofkastaba waxaa ku soo dhacda qiimaha ay nabadu u leedahay nolosha Aadamaha. Nabad la’aanina waa nolol la’aan, waa wax barasho la,aan, waa naxariis la’aan, waa dowlad la’aan, waa hoy la’aan,waa caafimaad la,aan, waa mugdi, waa burbur, barakac, walwal iyo walbahaar iyo waliba baroordiiq joogto ah.

Waxaa mudan in layswaydiiyo waa maxay NABAD?  Nabadu waa saldhiga nolosha, waa iftiin, aqoon, xushmad, naxariis, farxad, horumar, sharaf, cibaado iyo barwaaqo.Qiimaha ay nabadu leedahey waxaa noo sii iftiiminaya dhaqankeena suubanaa; Tusaale, Nabad miyaa? mala nabad baryey? reerku meel nabad ah madegey?,,waxaa kaloo qiimaha nabada na xasuusinaya murti dhaqameedkeena ah,,Beni’aadamku gogoshiisa waa nabad, nabad ayaa naas la nuugo leh iyo kuwa kaloo fara badan.

Walaalaheyga Soomaaliyedow maxaan aragney muddan dheer ee nabad la,aanta?, Waxaan aragney hogaamiyeyaal kooxeedyo naxariis daran, geeri badan,,kufsi lagu kacay gabdhaheena oo la caadeystey, dhaawacyo xad-dhaafey, afduubyo, dalkeenii oo la burburiyey iyo dadkeenii oo la kala qaybiyey, qalinkiyoo la tuurey, qoriga oo la barkadey, jaamacado qabyaaladeed oo laga aflaxey, murugo badan, majihii oo madax isu rogey, goglihii balaayadoo la fidiyey, bartilmaameedsi iyo dilal qorsheysan oo loo gaystey dadka aqoonta leh oo bulshada indhaha u ah, sida saxafiyiinta, dadka ka shaqeeya nabada iyo xuquuqda aadamiga, dadka ku lugta leh safalka beniaadamka ajnabi iyo soomaaliba, culumaaudiin,odayaal dhaqan, iyo waliba takhaatiir kuwaas oo dhamaantood ama la diley amaba dalka ka baxsadey, caruurteenii oo la askareeyey dagaaladana xabo looga dhigey,intaas oo balaayaa iyo kuwa kaloo badan oo xadgudub ku ah sharafta iyo karaamadii beni’aadamka ayaan usoo joogney oo aan aragney, maqalney amaba la kulaney.

Maxay yihiin waxyaalaha sababa Nabad la’aanta? Waxaa sababa Cadaalad la’aan, qabyaalad, maamul xumo, musuqmaasuq, jahli, dano shaqsiyeed amaba mid kooxeed, qorsho la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye.

AlasMaxaa nala gudboon walaalaheyga Soomaliyeedow si aan u xaqiijiyo ugana qayb qaadano nabada iyo horumarka wadankeena? Horta masuuliyada koowaad ee dib usoo celinta nabada waxay saaran tahay shacabka soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan, waxaana looga qayb qaadan karaa marka hore ruux walba oo muwaadin ah waa inuu nabada ka soo bilaabo Naftiisa ayna ka muuqdaan astaamaha nabada,Tusaale qofka dhawaqiisa waa inuu noqdaa mid nabadeed,saantiisa sidoo kale, uurkiisa la mid,aqoontiiisa iyo qalinkiisa sidoo kale waa inuu nabada ugu hiiliyaa, intaa kadib waa inuu qoyskiisa la wadaaga xoojinta nabada,kadib bulshadiisa ugudbiyaa qiiimaha ay nabada leedahey,,la abaabulaa doodo iyo wacyigelino maadi ah iyo kuwa diini ah oo looga hadlayo qiimaha nabada iyo wanaageedaba.waxaa kaloo in hoosta laga xariiqo mudan in dib u soo celinta nabada ay qayb weyn ku leeyihiin suugaan yahanada, fanaaniinta iyo culumaaudiinka waxaana muhiim ah in doorkooda wacyigelineed uu si joogto ah u socdo si uu u kaabo dib u soo unkida Nabada Wadankeena.

Doorka dowlada ee dib usoo celinta nabada Soomaaliya ayaa ah abaabulida xubnaha firfircoon ee bulshada, dhaqan celinta dhalinyarada iyo u abuurida xirfado shaqo oo ay ku maareeyaan mustaqbalkooda, horumarinta waxbarashada iyo dib udhiska goobihii wax barashada ee dalka, oogista iyo xaqiijinta garsoor cadaalad ah, horumarinta ciidamada amniga qaasatan boliiska, qabashada tartano isboorti, kuwa aqooneed, kuwa dhaqan oo lagu hormarinayo nabada.

Nabadu qiimo aad u weyn bay ku leedahay nolosha iyo hab-dhaqanka bulshada,  nabadu waa cadowyo badan tahay,,laakiin sidoo kale waxaa xaqiiqo ah in nabadu leedahey saaxiibo badan ,,Sxb-ka koowaad ee nabada waa midka laga nabad galo isaga naf’ahaantiisa, waa ka hortagaha cadowga nabada, waa daryeelaha danyarta, waa xoojiyaha aqoonta, waana ilaaliyaha diinta, sharafta dadkiisa iyo dalkiisa.

Walaalaheyga Soomaaliyedow muddadii dowlad la’aanta sida aad og tihiinba waxaa jirey dad farabadan oo ka qaybgaley dagaalada iyo naxariisdaradii lagula kacay dadkeena iyo dalkena, laakiin waxaa hubanti ah in dhinaca kalena ay jireen dad kale oo aad iyo aad ufara badan oo ka soo horjeedey dhibaatda iyo fowdada baaxada leh ee galaafatey nolosha in badan oo dadka soomaaliyeed ah hoostana galisey sharaftii iyo karaamadii Qaranimada Soomaaliya, marka waxaa muhiim ah in dhamaanteen aan wada xasuusano in Taariikh ay duugoobeynin ay jirto, qof walibana waxa uu gaysto ee wanaag amaba xumaan ah ay tahay mid diiwaankiisa taariikheed ugu qoran,Ilaah waxaan ka baryeynaa inuu nagu daro kuwa taariikh wanaagsan laga qoro, muslim qaalis ah, wadaniyiin ah, difaacayaal qarameed ah oo aan marnaba halmaamin qiimaha ay leedahey nabada iyo dhowrista sharafta beni’aadamka.

Marka Soomaaliyey si aan ugaarno yoolkeena kama danbeysta ah una xaqiijino nabad waarta oo dalkeena ka dhacda waxaa waajib nagu ah in aan xaaqno wax kasta oo xumaan ah oo caqabad ku ah nabada, waan kari karnaa in aan wixii awood ah oo aan leenahey in aan ugu tabarucno xoojinta iyo dhiirigelinta nabada wadankeena hooyo sidaas darteeed Soomaaliyey Balanteenu waa NABAD, midnimo iyo walaaltimo horseeda in dalkeenu helo Nabad waarta iyo dowlad cadaalad ah,,Insha Allah.

 

Qore: Cabdullahi Calas Jimcaale

Udoode Xuquuqda Beni’aadamka Soomaaliya
Tel: +356 99175408
E-mail: alas_hractivist@hotmail.com / alas.hrdefender@gmail.com
Malta.

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal