(Salaamanews)-Alle ha u naxariistee waxaa saaka magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Suldaan Cabdi Cali Sonkor oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee gobollada Jubbooyinka.
Suldaanka ayaa u geeriyooday xanuun uu la jiifay in dhowaaleba, sida uu xaqiijiyay Axmed Kamaal Muxummed Amarre oo ka mid ah ehelada marxuumka.
Meydka suldaanka ayaa lagu wadaa in loo qaado gobolka Jubbada Hoose si halkaas loogu aaso.
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Suldaan Cabdi Cali Sonkor.
Madaxweynaha wuxuu sheegay in isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan maamulka Puntland uu tacsi u dirayo qoyska, ehelada, dhammaan shacabka gobollada Jubbooyinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, oo uu uga tacsiyadeeyay geerida naxdinta lahayd ee ku timid Suldaan Cabdi Cali Sonkor.
Cabdiraxmaan Faroole ayaa Alle uga baryay in uu marxuumka ka waraabiyo jannadiisa, isla markaana uu samir iyo iimaan ka siiyo ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday.
Salaamanews
Nairobi, Kenya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






