Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Warar

Taariikhda Dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed – (Documentation-Film) Daawo Video

Dalka Soomaaliya juquraafi ahaan waxa uu ku yaala cirifka Bari ee Qaaradda Afrika , waa dhul istaraatiijyada wanaagsan leh isla markaana Surinka ku haya marinbiyoodka caalamiga ah ee Baabul mandab oo xiriiriya Badweynta Hindiya iyo badda Cas isla markaana ahmiyad u leh.

Taariikh ahaan Dalka Soomaaliya waxa uu leeyahay xadaarad facweyn taasina waxaa marqaati kacaya  magacyada tirada badan ee loo aqoon jiray waayadii hore sida dhulkii uduga iyo Geeska Afrika, sidoo kale Xiriirka ummadda Soomaaliyeed ay la laheyd bulshada Aduunka ayaa iyana ah arin taariikhi ah oo xusid mudan, bal qooraanso xiriirkii u dhaxeeyay Masaairidii hore, Hindida, Carabta iyo Faariisiyiinta intuba.

Maadaama ummadda Soomaaliyeed ay yihiin umad Islaam ah Diinta waxa ay soo gaartay qarnigiii 3-aad ee Hijriyada waxaana arrinkaasi fududeeyay xiriirka u dhaxeeya muslimiinta ku nool jaziiradda carrabta iyo ummadda Soomaaliyeed, xusuusnow in ummadda Soomaaliyeed aan Diinta lagu Soo gaarsiin Dagaal iyo Seef midna.

Taariikhda_Soomaaliya-620x330

Soomaalida caada iyo dhaqan ayeey u leedahay in af iyo adinba laga naco gumeysiga midab uu doonaba ha lahaade, Axmed Guureey waxa uu ahaa halgamaagii ugu horeeyay ee Soomaaliyteed bilaabayna kacdoon ku dhisan gumesi naceyb , waxaana xiriir uu lahaa Axmed Gurey Taliskii cismaaniyinta.

1884-tii reer Yurub waxay u kulmeen sidii ay Afrika u kala qeybsan lahaayeen waxaana Dalka Soomaaliya uu ka qeyb noqday Dalalka la kala qoqobay, waxaana arrinkaasi ka dhashay kacdoonkii hubeesnaa ee Sayid Max’ed C/lle Xasaan.

Halgamayaalka kale ee dagaallamay gumeysiga, baal dahab ahna ka galay taariikhda ummadda soomaaliyeed waxaa ka mid aha Shekh Xasan Barsane, Suldaan Olol Diinle, Sheekh Bashiir , Nasiib Bundo iwm.

1943dii waxaa gobollada koonfureed ka dhashay Golihii Dhallinyarada (SYC) ee ka koobnaa 13 dhallinyaro ah, ka dibna isku beddelay dhaqdhaqaaq waddani ah ee u ololeeya mideynta, xorriyada iyo madaxbannaanida dhulalka Soomaaliyeed.

Gobollada Waqooyi ee uu Ingiriisku gumeysanayey waxaa ka abuurmay xisbiyo u ololeeyo midnimada, xorryada iyo madaxbannaanida dadka iyo dhululka soomaaliyeed ee uu hormuud u ahaa xisbigii SNLka

Sannadkii 1956dii waxaa dhulka koonfurta soomaaliya laga abaabulay doorashooyinkii ugu horreeyey ee xukun-hoosaad, waxaana kuraastii loo tartamay intooda badan ku guuleystay xisbigii dhallinyarada ee SYL, waxaana guddoomiye baarlamaan loo doortay Mudane Aden Cabdulle Osmaan, raiisul Wasaarane waxaa loo doortay Mudane Cabdullahi Ciise Maxamuud, mudda kadib markii ay idlaatay xiligii lagu ballamay waxaa lagu dhawaaqay xorriyadda gobalada walow maalma ay soo kala horeeyeen.

Intaas kadib waxaa la dhisay xukuumad rayid ahey oo laga dhaxlay musuq iyo wax qabad la’aan waxaana 1969 awoodii Dalka la wareegay Ciidamadda Xooga oo ka koobnaa 21 Sarkaal oo Boolis iyo Milatari isugu jiray, waxaana ay madaxweyne Dalka ka noqday Max’ed Siyaad Barre.

Inkastoo talis walba uu ammaan iyo dhaliilo leeyahay hadana musuqo waa iska halkiisa kacaankii 21-october waxaa lagu ammaanay qoristii farta Soomaaliga iyo la dagaalankii aqris qoris la’aanta.waxaana howshaasi la hirgaliyay 21-ka Janaayo 1973, inkastoo horumar ay aheyd qoristii far soomaaliga, hadana kacaanka wuxuu eersaday markuu dhex mushaaxay badweynta qabiilka, isagoona ugu danbeyntii dharaar cad u bareeray inuu duqeeyo gobalo ay daganyihiin shacab Soomaaliyeed kana mid ah dhulka soomaaliya

1991-kii Taliskii Milatariga jabhada hubeysan ayaa ka eryay xilka, laakiin looma aayin jabhadihii oo waxaa laga dhaxlay qad cagaaran iyo ugaarsi qabiil, intaa kadib shirar dib u heshiisiin oo tira badan ayaa la qabtay laakiin dhaxalkooda waxa uu noqday in Soomaalida dhexdeeda ay is heebsoocdo oo waxaa la keenay fikir sheegaya in Soomaalida afar beel iyo bar ay yihiin 4.5.

2006-dii Burbur baahsan oo uu Dalka ku soo jiray kadib waxaa Neecow nabadeed oo lagu diirsaday muddo gaaban ku keenay Maxkamadihii Islaamka, waxaana ay u cuntami weysay nabadda ay Maxkamadaha keeneen Dowladda Itoobiya oo uur xumo ba’an ka qabta Nabad ka islaaxda Soomaaliya, waxaana Dalka ku soo duulay Dec-2006 ciidamo Itoobiyan ah kuwaasoo Magaalada Xamar labada dhan ka soo galay 27 december 2006-dii kana geestay Xasuuq xanuun badan, bur bur hanti iyo daaro, mana jirto cid ilaa iyo hadda la xisaabtanta urur gobaleed iyo urur caalami intuba.

Isha: Keydmedia

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal