(Salaamanews)-Wafdi ballaaran oo ka socday maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,, wuxuuna la kulmay masuuliyiinta dowladda, wuxuuna wafdigu dowladda ku wareejiyay la heystayaal laga soo furtay burcad badeedda.
Wafdiga waxaa hogaaminayay madaxweynaha Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Tiiceey, oo la kulmay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, isagoo ku wareejiyay la heystayaal u dhashay Syria oo maamulka Ximan iyo Xeeb ka soo badbaadiyay shufta badeedda Soomaalida.
Kulanka ay wada qaateen labada dhinac kadib ayaa madaxweynaha Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Aadan Tiiceey, wareysi gaar ah uu siiyay Shabakadda SN wuxuu ku sheegay inay laba jibaari doonaan dagaalkooda ka dhanka ah shufta badeedda Soomaalida.
Mr. Tiiceey ayaa xusay inay laba sano iyo bar ku dadaalayeen soo badbaadinta la heystayaashan u dhashay dalka Syria, wuxuuna madaxweynuhu guul ku tilmaamay isa soo dhiibitaankii kooxa Maxamed Cabdi Af-weyne oo ka tanaasulay burcad badeednimada.
Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llahi Aadan Tiiceey oo wareysi gaar ah siiyaySN ayaa xaqiijiyay in deegaannada maamulkiisu ay imaan karaan xubnaha kooxda al-Shabaab.
Tiiceey, ayaa sheegay in maamulkiisu uu sharciyad ahaan qabo inaan la waxyeelleyn cid aan amniga Ximan iyo Xeeb dhibaato ku heyn,isagoo beeniyay in xiriir uu ka dhaxeeyo al-Shabaab iyo Ximan iyo Xeeb.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






