(Salaamanews)-Uganda oo kamid ah dowladaha la dagaallama ururka al-Shabaab ee fadhigiisu yahay dlaka Soomaaliya ayaa ka digeysa weerarro argagaxiso oo ka dhaca dalkeeda.
Hay’adaha amniga ee dalka Uganda ayaa feejignaan sare la galiyey kaddib markii ay soo baxeen warar sirdoon oo muujinayo in ay dalkaas galeen koox looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin al-Shabaab.
Booliiska Uganda ayaa soo bandhigay magacyada shan nin oo la aaminsan yahay in ay maleegayaan falal argagixisanimo oo ay Uganda ka geystaan.
Waxaa raggan magacyadooda lagu sheegay Cali Saalax Aadan, Naciim A.Amur, Cabdullah Axmed Cabdullah, Cabderraouf Jdey iyo Maxamed Nuur Cali.
Booliiska ayaa sawirrada la tuhmayaasha dhigay waddooyinka, isbitaallada iyo deegaannada xuduudda, waxaana dadweynaha dalkaas loo sheegay in ay booliiska soo wargeliyaan haddii ay shakhsiyaadkan arkaan.
Ku-xigeenka afhayeenka booliiska Uganda Vincent Ssekatte ayaa sheegay in nimankan ay xubno firfircoon ka yihiin al-Shabaab, ayna qorsheynayaan in ay dalka weeraraan.
26-kii Bishii July ee sanadkii 2010 ayay aheyd markii weerar ay sheegteen Shabaab oo ka dhacay Uganda lagu dilay inka badan 70 qof.
Salaamanews
Kampala, Uganda
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






