(Salaamanews)-Taliyaha ciidamada dhulka Uganda General Katumba Wamala oo la hadlay wargeyska New Vision ayaa dalbaday in loo kordhiyo mandate-ka howlgalka AMISOM ee Soomaalia oo dhamaan doona bisha March ee soo socota.
“Soomaalia waa sida unug yar oo wali u baahan in la daadihiyo ama Garabka la qabto kamana maaranto taageerada AMISOM iyo cCaalamka intiisa kalaba” ayuu yiri Katumba Wamala.
Taliyaha ciidamada Uganda ayaa shaaciyay in midowga Enrobe iyo Qaramada midoobay ay sidii horaba diyaar ula yihiin inay bixiyaan lagaha lagu qarasha gareynayo askarta AMISOM islamarkaana wali Soomaalia aysan ka jirin nabad buuxda oo saamaxeysa in howlgalka AMISOM la gaba gabeeyo.
Sababta xiligan ay u codsanayaan balarinta waqtiga howlgalka AMISOM oo Uganda ay qeybta ka tahay Katumba Wamala ku sheegay in haatan ay jiraan howlo qabyo u ah gaar ahaana howlagalka ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab oo uu xusay in mudooyinkii dambe ay magaalooyin muhiim ah ka saarayeen Shabaabka.
Dhamaadkii sanadkii hore 2012-ka ayaa kulan golaha Amaanka Qaramada midoobay uu qaatay kadib wuxuu kordhiyay muddo afar biloood, waxaana waqtigu dhamaan doonaa bisha March markaasoo goluhu iska arki doono arrimaha Soomaaliya.
Salaamanews
Kampala, Uganda
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






