(Salaamanews)-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in qaar ka mid ah qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Kenya ay muujiyeen sida ay u rabaan inay dib ugu noqdaan Somaaliya kaddib markii uu hagaagay ammaanka gobollada koonfurta ku yaalla ee dalka.
UNHCR waxay sheegtay in 18 qoys oo qaxooti ah oo ku nool xerada Ifo II ay iska xaadiriyeen xafiiska hay’adda si ay ugu xaqiijiyaan hay’adda inay diyaar u yihiin celinta kaararkii ay raashinka ku qaadan jireen, iyagoo caddeeyay inay rabaan inay dib ugu noqdaan dalkooda.
Hay’adda ayaa soo dhoweysay tallaabadan cusub ee ay qaadeen qaar ka mid ah qaxootiga, oo qaab iskaa ah ku doonaya inay dalkoodii ugu noqdaan.
Qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ee ka howlgala xeryaha Dadaab ayaa tallaabadan ku micneeyay inay sababtay amniga darrada sii kordheysa ee ka jirta xeryaha Dhadhaab iyo xasilloonida ku soo noqotay qeybo ka mid ah Soomaaliya.
Salaamanews
Nairobi, Kenya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






