(Salaamanews)-Xisbiyadda shuruudaha soo buuxiyay ee loo aqoonsaday kuwa ka qeyb gali doona doorashada maamulka Puntland ayaa Sabtida maanta ah la kulmay guddiga doorashada kumeel gaarka ah ee maamul goboleedka Puntland.
Guddiga KMG ah ee doorashada ee maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe kula kulmay lixda urur siyaasadeed ee ka soo gudbay shuruudihii la hordhigay ee ay uga mid noqdeen xisbiyada siyaasadeed ee maamulka.
Guddiga iyo xisbiyada ayaa ka dooday wejiga labaad iyo shuruudaha hor yaalla iyo sida looga gudbi karo, waxaana la shaaciyay inaan la qaban doonin araajida axsaabta qaar oo goor dhaw shuruudda soo buuxiyay.
Guddoomiyaha KMG ah ee guddiga Maxamed Xasan Barre ayaa sheegay in guddiga iyo ururrada ay isku raaceen in la buuxiyo shuruudaha kale ee xiga ee wejiga saddexaad.
Maxamed Xasan Barre wuxuu sheegay xisbigii ka gudba shuruudaha kale ee xiga uu u gudbi doono wareegga xiga, uuna ka qeyb qaadan doono tartamada doorashooyinka.
Doorashada maamulka Puntland xilliga ay dhaceyso ayaan la ogeyn, waxaana jira hadallo is dhinac socda oo ka soo baxaya siyaasiyiinta maamulka Puntland.
Salaamanews
Garoowe, Puntland
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






