(Salaamanews)-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi waxaa ku soo dhaweeyay maamulka magaalada gobolka iyo saraakiisha ciidamada Ethiopia.
Wafdiga wasiiirka waxaa kamid ahaa Maxamed Ibraahim Xaabsade, Maxamed Xuseen Afaraale, Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Dhaga-badan iyo saraakiil ciidan.
Soo dhaweyn iyo marxabeyn kadib waxaa kulan xasaasi ah magaalada Baydhabo gaar ahaan xarunta ADC-da ku yeeshay Saraakiisha ciidamada xooga dalka, saraakiisha ciidamada Ethiopia, maamulka magaalada Baydhabo iyo kan gobolka Baay.
Wasiirka gaashaandhiga oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la kordhiyo dagaallada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaannada fara ku tiriska ah gobolka Baay.
Wasiirku wuxuu xusay in si joogta ah loo bixin doono, mushaaradda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo ka mahadnaqay sugitaaanka amaanka gobolka Baay.
“Waxaa qasab ah inaanu bixinno lacagaha mushaaraadka ciidamada xoogga dalka, taas badalkeeda waxaa nagu qasab ah inaan kordhinno dgaaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab” ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya.
Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Baay ayaa dhowaan cabasho u gudbiyay wasaarada gaashaandhiga, kuwaasoo sheegay in muddo sanad aanay wax xuquuq ah aysan helin.
Wasiirka gaashaandhiga ayaa horay booqasho ugu tagay magaalooyinka Garbahaarey, Jowhar, Kismaayo iyo Marka, waxayna la xiriirta sidii loo dar dar gelin lahaa howl galka lagula dagaalamayo Al-Shabaab.
Salaamanews
Baydhabo, Baay
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






