(Salaamanews)-Wararka Shabakaddan Salaamanews ay ka heleyso gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Axada maanta ah uu magaalada Baladweyne uu gaaray wafdi sare oo ka socday Jamhuuriyadda Djibouti.
Wafdiga waxaa hogaaminayay wasiirka gaashaandhiga dalka aynu daris wadaaga nahay ee Jabuuti, mudane Cabdikariim Maxamuud Kaamil, waxaana garoonka Baladweyne ku soo dhaweeyay maamulka dowladda ee gobolkaasi iyo saraakiisha hogaamisa ciidamada Jabuuti ee jooga gobolkaasi Hiiraan.
Wafdiga wasiirka waxa ku jira taliyaha ciidamada nabad-sugidda Jabuuti Xasan Saciid iyo abaanduulaha ciidamada dalkaasi Sakariye Sheekh Ibraahim, sida uu sheegay taliyaha ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan Cusmaan Dubbad oo aan la hadalnay.
Ujeedada booqashada wafdiga ayuu taliyuhu ku sheegay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladda ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya iyo xiriirka wada-shaqayn ee labada dhinac ka dhexeeya.
Wafdiga ayaa kulan la qaadanaya maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, waxaana kulamadu ay quseeyaan xiriirka labada dhinac.
Booqashada wafdiga ayaa imaaneyso iyadoo afar maalin ka hor wasiirrada gaashaandhiga Soomaaliya iyo Jabuuti ay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac ayna isku raaceen wada shaqeyn dhab ah oo dhexmarta labada dal.
Kulankan ayaa imaanayo iyadoo todobaad uun ka hor maamulka magaalada Baladweyne lagu wareejiyay ciidamada dowladda iyo kuwa Djibouti, oo awoodii ka wareejiyay ciidamada Ethiopia oo halkaasi horey uga saaray kooxda Al-shabaab.
Salaama News
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






