(Salaamanews)-Dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jiray geystay oo ka dhacay magaalada Buula-Mareer ayaa u dhexeeyay kooxda al-Shabaab iyo ciidamo Faransiis ah, waxaana dagaalkaasi guulo ka kala sheegtay dhinacyadii dagaallamay.
War la soo dhigay Barta Twittre-ka ururka al-Shabaab ayaa lagu sheegay in xalay abaarihii 2-dii saq dhexe shan diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ay soo weerareen deegaan lagui magacaabo Buula Mareer oo ku dhowaad 30-KM dhanka koofureed kaga beegan Magaalada Marka, kaasoo ujeedkiisa ahaa inay ku soo furtaan Dennis Allex oo afduub loo heysto.
Warka ayaa lagu sheegay in dagaal socday muddo 45-daqiiqo oo dhex maray lagu caabiyay Ciidamadii Faransiiska, isla markaana ay ku fashilmeen, waxaana qoraalka lagu sheegay in lagu dilay askar, qaar kalena la dhaawacay.
Al-Shabaab ayaa sheegay in askari dhaawac oo Faransiiska ka tirsan ay gacanta ku hayaan iyo sidoo kale la heystihii Daniel Allex uu bad qabo, isla markaana ay gacanta ku hayaan.
Waxaa Al-Shabaab ay sheegeen inay saxaafada u soo bandhigayaan meydka ninka faransiiska iyo qof kale ee dhaawaca ay hayaan.
Dhanka kale Wasaarada Gaashaandhiga Faransiiska ayaa sheegtay in La heystihii u dhashay Faransiiska Denis Allex uu ku dhintay weerarka, iyadoo labo kale oo ciidamadii dagaalka qaadayna ay dagaalkaasi ku dhinteen.
Masuul u hadlay faransiiska oo lagu magacaabo Jean-Yves Le Drian ayaa u sheegay Wariyeyaasha isagoo ku sugan Paris in Askari kale nolol iyo geeri lagu la’yahay, kadib howl galkii ay ku qaadeen deegaanka Buulo Mareer.
Faransiiska ayaa sheegay inuu Al-Shabaab ka dilay ilaa 17-dagaalyahan, intii uu socday howl galkii xalay ka dhacay deegaanka, aakiin al-Shabaab ayaa xaqiijinaya inuu nool yahay Denis Allex, oo uu Faransiiska sheegay inuu dhintay.
Diyaaradaha Helicopter ayaa ka soo kacay dalka Jabuuti, iyadoo Ciidamada Kumandoska Faransiiska ku daatay deegaanka Buula Mareer oo dagaal culus uu ku dhex maray Al-Shabaab.
Denis Alex ayaa lagu afduubtay Soomaaliya bishii July ee sanadkii 2009-kii, markii isaga iyo nin saaxibkiis ahaa oo ka caawinayay Ciidamada dowladda howlaha sirdoonka lagala baxay Hotel ay Muqdisho ka degenaayeen, iyadoo dhowr bilood kadib uu soo baxsaday ninkii kale ee Faransiiska ahaa.
Howl galkan ayaa imaanaya, iyadoo dowladda Faransiiska ay ku dhawaaqday inay fara gelin milateri ku sameyneyso dalka Mali, si ay Argagixisada qabsaday dalka intiisa kale uga hortagto.
Salaamanews
Mark0, Shabeellaha-hoose
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






