(Salaamanews)-Kooxda AL-Shabaab ee Soomaaliya ayaa adeegsiga baraha internetka xoogga saaartay sanadkii 2011 markaasoo kooxda laga saaray magaalooyin muhiim ah oo ay ugu horreysay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Hogaamiyeyaasha sare ee ururka AL-Shabaab sida Axmed Cabdi Godane iyo ragga ku majaalka ah ayaan aad u la dhicin istiraatiijiyadda lagu ballaarinayo afkaarta kooxda iyadoo la adeegsanayo baraha internetka iyo kuwa bulshada kulmiya.
Ilo ku dhaw madaxda AL-Shabaab, ayaa noo sheegay in markii hore si’ tartiib ah hogaamiyeyaasha Soomaalida looga dhaadhiciyay in dan weyn ku jirto isticmaalka aaladaha casriga ah, taladaasina waxaa soo jeediyay hogaamiyeyaasha dibadda uga soo biiray ururka Shabaab.
Cumar Xamaami, oo ay kooxdu ugu yeerto Abuu-mansoor AL-Amariiki, ayaa kamid ah ragga sida weyn fikradahaasi u soo biiriyay, waxaana markiisii hore uu fikradda Shabaab ku soo bandhigi jiray bog uu Twitter-ka ku lahaa.
Cumar Xamaami, wuxuu AL-Shabaab ku saaciday inuu luqadda Ingiriiska wax ku qoro aduunka oo dhanna uu la socodsiiyo fikradda kooxda, iyadoo markii dambe ay la fahmeen qaabkaasi uu damacsanaa raggii markii hore diidanaa adeegsiga aaladaha afkaarta gudbiya.
Bogga Twitter-ka AL-Shabaab, wuxuu noqday kan ugu saameynta badan oo ay koox fallaaga ah adeegsato. Wuxuuna soo jiitay niyadda qurba joog badan, iyo ajaaniib diinta islaamka ku cusbeyd kuwaasoo si’ aan ka leex leexad laheyn taageero u siiyay ururka AL-Shabaab.
AL-Qaacidda barahan ma u adeegsataa sida AL-Shabaab?
Falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda gaar ahaan kuwa ku xeel dheer arrimaha argagaxisada ayaa rumeysan in adeegsiga Twitter-ka AL-Shabaab, uu fikrad cusub u noqday Shabakadda AL-Qaacidda oo ka fogaata internet-ka si’ aan sirtooda loo ogaan.
Dareenka soo koraya ee jihaadiyiinta Soomaaliya, ayaa bulshada si xowli ah ku soo galay, laakiin kooxdu waxay ku fashilantay in fikradeeda ay ka gaddo dadka adeegsada Facebook, oo aan badi la dhicin sida ay u shaqeyso kooxda islaamiga isku sheegta.
Falanqeeya Will Mccants, oo ku xeel dheer arrimaha argagaxisadu ay adeegsato, ayaa Mareykanka bishii December ee 2011 kula taliyay in dhaqdhaqaaqa Al-Qaacidda oo ku xoogeystay bulshada dhexdeeda iyago qalbiga ka xada dad aan aqoon u laheyn taariikhda qaawan ay keeni karto dhaawac soo gaaray siyaadda Mareykanka.
“Marka hore waxaa leysku dayayaa in la ogaado ilaa inta la xaday qofka qalbigiisa kadibna, waxaa lagu tijaabin howlgal isagoo dhex socdana, waa la joojinayaa, marka labaadse waa la fulinayaa howlgalku si’ qofka uu marlabaadka u jeclaado howsha uu wado” ayuu yidhi Mccants.
Muwaadiniinta Mareykanka ayaa la rumeysanyahay inay yihiin kuwa ugu badan ee fikradaha AL-Qaacidda sida fudud ku aaminay, iyagoo looga faa’iideystay aqoontooda luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga, marka warbixinnada lagu soo daabaco twitter-ka.
Falanqeeye, Aaron Zelin, ayaa rumeysan inay fiicnaan laheyd in la sii wado adeegsiga baraha internet-ka ee AL-Qaacidda si’ loo ogaado siro badan oo ay leeyihiin hogaamiyeyaasha kooxaha ku xiran Shabakadda.
Al-Shabaab natiijo maka gaartay adeegsiga barahan?
Tan iyo horraantii sanadkii 2011, kooxda AL-shabaab waxay si xowli ah u adeegsaneysay bog ay ka furatay twitter oo ay ku soo bandhigeysay sawirrada, muuqaallada iyo warbixinno fikradeeda ku dhisan oo ku saabsan dagaalladii ay la galeyso ciidamada gaashaanbuurta ah.
Xiisaddu waxay sii kacday markii kooxdu ay bogeeda ku soo daabacday meydka askari Faransiis ah oo lagu dhaawacay magaalada Buula-mareer ee gobolka Shabeellaha hoose, kadibna ku geeriyooday gacanta ururka AL-Shabaab, waxaa sidoo kale ay soo bandhigtay kooxdu sawirka la heyste u dhashay Faransiiska oo maalmo hanjabaad ah kadib ay shaacisay inay dishay.
Falalkaasi waxaa ka gadooday dowladda Faransiiska, iyadoo horey dacwad ay u gudbisay Kenya oo dagaal ka waday koofurta Soomaaliya, oo muwaadiniinteedu si xowli ah ugu biireen AL-Shabaab, murankaasi kadibna waxaa bishii January la xanibay bogii kooxda, oo dacwadiisu ay ku badatay shirkadda twitter.
AL-Shabaab, waxay adeegsataa hadda bog cusub oo twitter ah, waxayna ku soo bandhigtaa afkaarteeda, ku hor gudban horumarka dalka Soomaaliya.
SIdee bay markii hore kooxda AL-Shabaab u la dhaqmi jirtay Warbaahinta madaxa bannaan?
Sanadihii 2009 ilaa 2011 kooxda AL-Shabaab, waxay aad ugu xoogeysaneysay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, ilaa ay ka gaartay in ajaaniib AL-Qaacidda ka tirsanaa ay qasab ku guursadaan gebdhaha Soomaalida, waxaana xilligaasi kooxdu ay afka qabatay warbaahinta madaxa bannaan oo aan wararka kooxda si madax bannaani leh u tabin Karin.
Amar ka soo baxay islaamiyiintii xilligaasi (Xisbul-Islaam) ayaa lagu mamnuucay heesaha warbaahintu ay deyso, iyo in gebdhuhu ka shaqeeyaan warbaahinta, laakiin AL-Shabaab ayaa afkaartaasi diiday qaarkood, sida in gebdhaha shaqada laga joojiyo laakiin labada ururba waxay ka sinnaayeen in musika la joojiyo.
Idaacadaha ayaa lagu amri jiray inay wararka waa weyn kala tashadaan “Mujaahidiinta” oo ay ka wadeen AL-Shabaab, waxaana soo baxay amar ah inaan la dhihi Karin AL-Shabaab, magacaasina waxaa loo badalay markii ay kooxdu ismahadisay “Xarakatul-Shabaab AL-mujaahidiinta”.
Kooxdu waxay bilalqeysatay dhowr idaacadood, iyo qalab talefashinno, iyadoo u badashay warbaahin magacooda, afkooda iyo afkaartooda ku shaqeyso, waxayna furatay website ay ku shaaciso siraheeda, waloow mar sii horreysay bog kamid ah website-yadeeda la xiray hadana kuwa kale ayay markale soo abuurtay.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






