Latest

May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - May 15, 2013 - Soomaaliya oo tallaabooyin u qaadaysa si safaaradihii dib loogu furo ... - May 15, 2013 - Marnaanta halbeeg tacliineed oo gobolka ah ayaa hor istaagtey koboca ganacsiga Bariga Afrika ... - May 14, 2013 - SOMALIA: IOM assists Kenyans stranded in Bosaso to return home ... - May 14, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo saxiixay heshiis cusub oo ay xukuumaddu la gashay wadamada G7 ... - May 14, 2013 - Gobolka Baay oo horumar hiigsanaya ayaa wali marti u ah dagaalka al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Degmo Muqdisho ka tirsan oo waxbarsho bilaasha ah u fidisa haweenka ... - webdesign

Home » Maqaallo, Warar

Warbixin: Hogaamiyihii xuriyad-doonka dadka madow Martin Luther King oo shalay taarikh nololeedkiisi laga xusay Mareykanka

(Salaamanews) Martin Luther King, waxaa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka iyo hogaamiyaashii ugu wanaagsanaa dunida qarnigii labaatanaad. Waxaa uu dhashay 15-kii janaayo ee sanaddii 1929-kii. Waxaana taarikhdii noloshiisa dalka Mareykanka looga debaal-degaa sanad maliba marka la gaaro isniinta sadexaad ee bishaan  janaayo oo shalay ku beegnayd.

La dagaalankii midab kala sooca ka hor 1954

Gobollo badan oo ku yaala koonfurta Mareykanka waxaa ay lahaayeen sharciyo lagu kala faquuqayo ama lagu kala fogeynayo dadka madow iyo cadaanka. Sharciyadaasi ayaa dhigayey in hal iskuul aysan wax ka baran-karin dadku, gaadiidka in aysan isla raacin karin ama ay isku meel ka fariisan karin goobaha wax lagu daawado sida tiyaatarada. Dadka madow ma awoodin in ay tagaan goobaha la wadaago ama dadweynaha sida, maqaayadaha, hutteellada, iyo barkadaha lagu dabaasho. Iyadoo sharciyadaasi loogu yeeri-jiray sharciyadii gooni u faquuqa ama takoorka.

Khatarihii soo maray dadka madowga ah ee Mareykanka ah

Dadka madow waxaa ay xaq iyo xaquuq ahaan u lahaayeen in ay codkooda wax ku soo doortaan, laakiin qaar  badan oo ka mid ah gobollada dalkan Mareykanka ayaa xiligaasi aysan macquul iyo suuro-gal ka ahayn taasi. Waxaana dadka madowga ah ay ka cabsan jireen in ay shaqadooda dhumiyaan haddii ay isku dayaan in ay codeeyaan. Sidoo kale waxaa macquul ahayd in la xiro sabab la’aan.martin-luther-king-jr

Koox lagu magacaabi jiray Ku Klux Klan, oo ahayd koox argagixiso ah ayaa ka mid ahayd waxyaabihii khataraha faraha badan ku hayey dadka madowga ah xiligaasi, iyagoo cadaadis iyo caburin badan ku sameyn jiray, waxaana ay kooxdaasi dadka madowga ah u diidi-jirtay in ay marnaba ka hadlaan xaquuqda ay leeyihiin. Waxaana kooxdaan Ku Klux Klan,  dilal sharci daro ah u geysan jireen islamarkaana ay guryahooda ka gubi-jireen ragga madowga ah ee ku indha- adayga in ay xaquuqdooda baadi-goobtaan.

Kooxdaan oo caan ku ahayd koofiyado cadcad oo ay madaxa gashan jireen, ayaa waxaa ay sidoo kale dadka madowga ah ku sameyn jireen in ay xiliga habeenkii ah kaxeeyaan, islamarkaana ay ka saaraan xuduudda, iyagoo xiligaasi ku tumanaya xaquuqda dadka madowga ah, islamarkaana sheegaya in ay raadinayaan tan dadka cadaan ah.

Mid ka mid ah sharciyadii faquuqa

Mid ka mid ah ahaa sharciyadii faquuqa ama midab kala sooca ee ka jiray gobollada koonfurta Mareykanka, ayaa dhigayey in dadka madowga ah aysan gadiidka dadweynaha ama basaska ka raaci-karaan oo kaliya kuraasta dambe. Maalin ayaa haweenay madow ah oo lagu magacaabi jiray Rosa Parks, waxaa ay bas ka soo raacday gurigeeda oo ku yaalay magaaladda Montgomery ee gobolka Alabama, iyadoo xiligaasi ku sii jeeday shaqadeeda. Wadihii baska ayaa Rosa weydiistay in kursigii ay fadhiday uga kacdo shaqsi cadaan ah oo doonayey uu baska soo raaco, iyaduna ay kuraasta dambe fariisato, hase ahaatee taasi waa ay ka dhaga-adaygtay Rosa, waxaana darawalkii uu ugu wacay boolis. Xabsiga ayaana loo tixaabay.

Cunaqabateyntii basaska ee Montgomery

Rosaparksarrested

Rosa Parks, oo boolisku xirayo. [Sawirka/AP]

Warka ku saabsan xarigga Rosa Parks, waxaa uu u faafay si dhaqso ah. Dadkii madowga ahaa ee ku dhaqnaa magaaladda Montgomery habeenkaasi waxaa ay kulan ku yeesheen kaniisan weyn. Waxaa ay go’aansadeen in aysan guud ahaan raacin basaska ilaa wax laga beddalayo sharciyada.

Martin Luther, oo madax ka ahaa kaniisadda ayaa hogaaminayey cunaqabaynta iyo go’aanka. Waxaana uu ka codsatay dadka madowga ahaa in ay shaqooyinkooda u lugeeyaan. Kuwa ku noolna meelaha fogfog ay isla raacan gawaaridooda gaarka ah iyo tagaasida. Martin Luther King, waa uu la lugeyn jiray dadka, islamarkaana waxaa uu kala hadli jiray kulamada si ay u sii ugu adkaadaan, una sii wadaan go’aankooda caro muujinta ah.

Arintaasi, waxaa ay horseeday in uu boolisku xiro Martin Luther King. Muddo kaddib markii uu xabsiga ka soo baxay, waxaa la isku dayey in la qaarajiyo, iyadoo gurigiisi lagu weeraray bambaano, taasi oo khatar galisay noloshiisa iyo guud ahaan qoyskiisi.

Martin ma uusan quusan. Cunaqabatayntii iyo caradii dadkii madowga ahaa ee ku noolaa Montgomery ay ku soo rogeen basaska oo socotay 382 maalmool kaddib, waxaa maxkamadda sare ee Mareykanku ay go’aan ku gaartay in ay laasho sharcigii faquuqa ahaa ee ku saabsanaa basaska in ay kuraas kala duwan ka fariistaan dadka madowga ah iyo kuwa cadaanku. Waxaana dhacdadaasi oo ahayd mid aad u yar ay meesha ka saartay tagri-fal iyo kutumasho xaquuq aadane oo uu wadanka muddo toban sano ah la rafanayey oo ku saabsanayn midab kala sooc. Shaqadaasi wanaagsan ee uu qabtay awgeed waxaa sanaddii 1964-tii, Martin Luther King, uu ku guulaystay billadda nabadda adduunka “Nobel Peace Prize”.0121_martin_luther_king_jr_605_ap

Wixiii waqtigaasi ka dambeeyey sii socoshada shaqada Martin Luther King, waxaa ay noqotay mid khataro badan ay ku hareeraysan yihiin. 1968-dii , Martin, waa la qaarajiyey. Laakiin James Earl Ray, oo ahaa ninkii dilay waa la qabtay, hase ahaatee ma uusan sheegin ciddii caawisay ama dhaqaalaha ku siisay in uu dilo Martin Luther King.

Wixii xiligaasi ka dambeeyey waxaa dalka Mareykanka laga hirgaliyey dastuur guud iyo sharciyo mamnuucaya midab kala sooca, iyadoona dadku ay leeyihiin xaquuq siman, sida ay in ay fikirkooda cabiraan iyo in ay codkooda wax ku doortaan. Waxaana taasi ay suuro-gal ka dhigtay in Mareykanka ay ku wada noolaadaan bulshooyin ka soo kale jeeda meelo kala duwan oo dunida ah, kuwaasi oo leh dhaqmo, diimo iyo afaf kala duwan. Waxa  kaliya oo dhammaantood mideeyaana waa dastuurka guud ee dalka u yaala oo aan cidna si gaar ah ugu xadgudbeyn.

Dr: Martin Luther King, hogaamiyihii dhaqdhaqaaqii xuriyadda madaniga ah ee dadka madowga ah, waxaa uu ka mid yahay hogaamiyaasha dunida taarikhda wanaagsan kaga tagay, iyadoona madaxweynaha haatan ee Mareykanka Barack Obama oo isaga khudhiisu ka soo jeeda dadka madowga ah uu shalay markii loo dhaarinayey wareega labaad ee xilkiisa uu ku dhaartay kutubkii uu lahaa Martin Luther King, si uu meel wanaagsan ugu muujiyo xuriyadda iyo isnaanta dadka.

Halkaan hoose ka daawo qaar ka mid ah khudbadihii taarikhiga ahaa ee uu jeediyey Martin Luther King intii noolaa, oo ay ka mid tahay khudbada caanka ah ee la magac-baxday “waxaan leeyahay riyo”. 

Waxaa qoray Maxamed Faarax Talyaani oo Minnesota jooga.

mtalyani@gmail.com

Salaamanews

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal