Latest

May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - webdesign

Home » Warar

Warbixin iyo muuqaal: Raafka Kenya iyo Soomaalida oo bilowday in ay dib ugu noqdaan dalkooda

(Salaamanews)-Dhawaan madaxda Kenya ayaa soo saaray amar adag oo la duldhigay dadka Soomaaliyeed ee qaxa ku jooga gudaha dalkani Kenya, waxaana Soomaalida lagu amray inay ku laabtaan dalkooda ama xirada Dhadhaab.

Amarka Kenya ayaa waxaa ka gadooday Soomaali badan oo durba dalka Soomaaliya ku noqday, waxaana carada ka dhalatay hadalka Kenya ay keentay in Soomaalidu ay maal gashigoodii si tartiib ah u hakiyaan.

Siyaasiyiinta dalkaan Kenya ayaa isku khilaafay sida laga yeeli karo Soomaalida la shaqeysa Al-shabaab iyo kuwa caadiga ah ee howlaha shaqa u yimid dalkani, waxaase carada ugu badan muujiyay Soomaalida ka soo jeeda gobolka waqooyi bari.

Sidoo kale siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka waqooyi bari ee ka tirsan dowladda ayaa Sabtida maanta ah kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi, waxay kaga doodeen dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Soomaalida ee lagu raafayo xaafadda Islii iyo magaalooyinka kale ee dalka Kenya.

Wasiirka gaashaandhiga dalka Kenya Yuusuf Xaaji, oo ah mas’uul laga soo doortay gobolka waqooyi bari ayaa sheegay inuu xilka ka dagayo hadii aysan madaxda Kenya jawaab adag ka bixin dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan dhageystay doodda dadkii aan shalay la kulmay, waxaana madaxda dalka u sheegayaa inaan xilka ka dagayo hadii aan wax laga qaban oo aan jawaab adag laga bixin dhibaateynta dadka Soomaalida” ayuu yiri Yuusuf Xaaji.kenyan-polic-and-somalian

Aadan barre Ducaale, oo ka mid ah siyaasiyiinta Kenya ee ku jira aqalka sare ee dalka ayaa sheegay in dhibaatadu ay ka imaaneyso ciidamada GSU oo shaqa ka dhigtay laaluush ay ka qaadaan dadka Soomaalida ee dhibaatada dalkooda uga soo baxsaday.

“Ciidamada GSU, ayaa noqday caqabadda koowaad ee heysta dadka Soomaalida, waxaana ka dambeysa siyaasad ay dibadda ka wadaan madaxda dalka Kenya qaarkood” ayuu yiri Ducaale.

Safiir Cabdi Nuur tuureey, oo kamid ah xubnaha baarlamaanka, dalka Kenya ayaa isna sheegay in lagama maarmaan ay tahay jawaab adag oo laga bixiyo tacaddiyada loo geystay dadka Soomaaliyeed.

Dhallinyarada Soomaalida ee dalka Kenya, ayaa aaminsan in Kenya ay xad gudub ku tahay dhibaateynta dadka aan waxba galabsan, waxaana masuuliyiinta keenyaatiga lagu eedeeyay inay aqoonsigii karaka diideen.

Axmed Sheekh Cabdulladiif, oo ah arday Soomaaliyeed oo wax ka barta dalka Kenya ayaa idaacadda VOA u sheegay in dhallinyaradu ay heystaan dhibaatooyin badan oo aanay iyagu mas’uul ka aheyn.

“Soomaalida in dhaqaalaha Kenya ay wax ku leedahay laba isma weydiineyso, sida xawaaladihii, lacagaha dadka Soomaalida waxay galayeen jeebabka dadka keenyaanka ah” ayuu yiri Axmed.

Murankan ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo doorashada soo socota ee bisha March ka dhici doonta dalkani Kenya, waxaana la sheegayaa in musharrixiintu ay ka cabsi qabaan codka Soomaalida halka uu raaci doono.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka “video” aan ka soo xiganay BBC-da

 

Salaamanews

Nairobi, Kenya

Info@salaamanews.com

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal