Latest

May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - webdesign

Home » Maqaallo, Warar

Warbixin: Ictiraafdoonka Somaliland iyo Isbedelka mooqifka bulshada Caalamka

(Salaamanews)-Somaliland, waa dhul xad wadaag la ah Djibouti iyo Ethiopia, waxaana 1991-kii laga soo billaabo dadkiisu isku dayayeen inay madax bannaani ka helaan Soomaalida inteeda kale, laakiin niyad jabkii ugu xumaa wuxuu ka soo gaaray markii amaanka dhulkaas ay ka werwereen dowladaha ugu sirdoonka weyn caalamka.

Sanadka 2013 markuu dhashay waxaa digniin deg deg ah soo saartay dowladda Britain oo billowday baaq ay u direyso dadkeeda oo ku aadan inaanay u safrin Somaliland, inta joogtana waxaa laga codsaday inay iskaga soo baxaan.

Iyadoo baaqaas uu ooddin ku yahay hogaamiyeyaasha Somaliland, ayaa waxaa digniin tiiba ka sii daran waxaa soo saaray Mareykanka oo sheegay in Somaliland ay halis ku tahay gobolka oo dhan, dadkiisana wuxuu ka codsaday inay iskaga soo baxaan.

Somaliland, oo baaqyadaas ka jawaabeyso ayaa codsi u dirtay Ethiopia, waxaana magaalada Addis-Ababa ku kulmay wafdi ka socday Somaliland, uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Maxamed C/llahi Cumar iyo diblumaasiyiin ka socday dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka.silanyo and hague

Madaxweyne Siilaanyo oo safar ku tagay London, waxaa uu la soo kulmay wasiirka arrimaha dibadda Britain William Hague, waxaana lagula taliyay in 10-sano dib ay ugu biirto Soomaaliya inteeda kale.

Arrintaasi waxay wadna qabad ku noqotay wafdigii madaxweyne Siilaanyo, haatanna waxaa la sugayaa in Somaliland, ay Soomaaliya ku biirto ama ay ka soo horjeesato, hadi ay diddo waxaa dhicisoobi doono shirka London ka dhici doona bisha May ee soo soocta.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta ee maamulka Somaliland Cabdullaahi Maxamed Daahir oo shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in amniga deegaannada Somaliland  uu yahay mid la isku halleyn karo.

Hadalkan ayuu wasiirka uga jawaabayay warkii ka soo baxay dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska oo ku saabsanaa in ammaanka deegaanada  Somaliland aan la isku haleyn karin.

Wuxuu tilmaamay in haddii ay Al-Shabaab gabbaad ka dhigato Somaliland ay Somaliland  wax ka qaban doonto, amni xumina wuxuu sheegay inaanay cidna dani ugu jirin.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid Feysal Cali Waraabe ayaa dhankiisa sheegay haddii ay Al-Shabaab u suurtoobayso in ay saldhigyo ka sameysato deegaannada Somaliland ay kol hore ka sameysan lahaayeen deegaannadaas.

 Salaamanews

Hargeisa, Somaliland

Info@salaamanews.com

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal