Latest

May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - May 15, 2013 - Soomaaliya oo tallaabooyin u qaadaysa si safaaradihii dib loogu furo ... - May 15, 2013 - Marnaanta halbeeg tacliineed oo gobolka ah ayaa hor istaagtey koboca ganacsiga Bariga Afrika ... - May 14, 2013 - SOMALIA: IOM assists Kenyans stranded in Bosaso to return home ... - May 14, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo saxiixay heshiis cusub oo ay xukuumaddu la gashay wadamada G7 ... - May 14, 2013 - Gobolka Baay oo horumar hiigsanaya ayaa wali marti u ah dagaalka al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Degmo Muqdisho ka tirsan oo waxbarsho bilaasha ah u fidisa haweenka ... - webdesign

Home » Warar, Waraysiyo

Wariyeyaal eedeeyay maamulka Kisamaayo (dhageyso Wareysi)

(Salaamanews)-Arbacadii maalin ka hor waxaa magaalada Muqdisho ka dhoofay wafdi sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana wafdigaasi la socday wariyeyaal Soomaaliyeed oo ka socday warbaahinta kala duwan ee ka shaqeysa Soomaaliya.

Wariyeyaasha oo tiradoodu ay gaareysay 12-qof ayaa waxaa ay sheegeen in lagu go’doomiyay Madaarka magaalada Kismaayo, isla markaana aanay gaarin dantii ama ujeedkii ay u tageen magaalada Kismaayo.

Sawir qaade Faarax Cabdi Warsame (Faarax AP) oo wareysi gaar ah siiyay Salaama News (www.salaamanews.com)

Kadib muddo 36-saacadood ah oo ay ku xannibnaayeen Garoonka Kismaayo ayaa wariyeyaashaasu waxay Jimcaha maanta nasiib u yeesheen inay ku soo laabtaan Muqdisho oo ay markii horeba iska raaceen.

Faarax Cabdi Warsame Faarax (Faarax AP) wuxuu kamid ahaa wariyeyaashii aaday Kismaayo ee xayirnaa mudada seddexda maalin ah, wuxuuna sheegay in xaalad shaqo la’aan ka sukoow aanu jirin dhib kale oo ay qabeen.

Mr Faarax ayaa sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay mudadii ay xannibnaayeen balse wuxuu xusay in hadii ay cid su’aal weydiiyaanba loogu jawaabay” Amar naga sarreeya ayaanu ku soconnaa”.

Faarax Cabdi Warsame oo markuu ku soo laabtay Muqdisho la hadlay Salaama News ayaa yiri “Runtii dhamaan shaqadaasi waa ay xayirantay oo waa la hor istaagay oo waxaa nagula wargaliyay aniga iyo wafdigeynii waxaa nagula war galiyay inaan gali Karin magaalada Kismaayo, mana aysan jrinin inaba haba yaraatee waxa noo soo qabsoomay, goobta aan joognay oo aheyd goob mashquul bandanna waxaa nagula war galiyay inaan wax sawirro ah aanan qaadi karinini dhaqdhaqaaq iskaba daaye waxaa nala saaray cadaadi inti aan ka sugeynay awaamiirta, marka dhamaanba wanu ku hungownay howlihii aanu u tagnay kismaayo”.

Halkan  ka dhageyso wareysiga :- Sawir qaade Faarax Cabdi Warsame (Faarax AP)

Cabdishakuur Shakra, Salaamanews

shakra@salaamanews.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

 

 

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal