Latest

May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - webdesign

Home » Dhaqaalaha, Warar

Warshaddii Soomaaliya ugu horaysay ee waraaqaha oo Hargaysa laga furay.

Warshad soo saarta waraaqaha, kartoonaad wax lagu rito iyo buugaagta iskuulada ee ardada–taas oo ah arintii ugu horaysay ee shaqdeeda ay Soomaaliya ka bilaabato mudo labaatameeyo sano ah–ayaa laga furay Hargaysa usbuucii la soo dhaafay.

Samaynta Warshada Waraaqaha ee AADCO ayaa shaqadeedu socotay ilaa 2009-kii, milkiilaha Aadan Barado ayaa sidaas ka sheegay xafladii furitaanka ee Sabtidii (Janaayo 5-teedii) la qabtay.

“Wakhti badan ayay qaadatay sababta oo ah waxaan joognaa wadan la burburiyay,” Barado ayaa sidaas sheegay, isaga oo intaas ku daray in aysan sahlanayn in warshad laga bilaabo Soomaaliya iyada oo aysan jiran wax kaalmo ah oo arimhaas kuu sahlaya.

Warshada ayaa dhismaheedu bilawday Janaayo 2012, dhamaadayna Diisember.

Shaqaale ka shaqaynaya Warshadda Waraaqaha AADCO ee dhawaanta la furay. [Barkhad Dahir/Sabahi]

Shaqaale ka shaqaynaya Warshadda Waraaqaha AADCO ee dhawaanta la furay. [Barkhad Dahir/Sabahi]

Warshada ayaa waxay leedahay 50 shaqaale, taas oo ay ku jiraanhaween, dad badana dhawaan ayaa la shaqaalaysiin doonaa, sida uu sheegay Madaxa Tiknolojiyada Maxamed Cabdullahi Axmed, kaas oo sheegay in shaqaalaha qaarkood lagu soo tababaray Shiinaha.

16-kii saacba, warshadu waxay soo saaraysaa 70,000 oo buug, kuwaas oo diyaar u ah in suuqa lagu iibiyo, ayuu u sheegay Sabahi. Warshadu waa mid bay’ada u fiican isticmaashana nidaam yaraynaya sawaxanka badan iyo qiiqa, ayuu yidhi.

Tani waa warshadii ugu horaysay ee nooceeda oo kale ah oo Soomaaliya laga furo ilaa iyo markii ay dawlada dhaxe dhacaday labaatameeyo sano ka hor, Nuur ayaa sidaas yidhi. Kharasha guud ee mashruucan ku baxay qiyaastii waa $5 milyan oo doolar.

Xiliga wajiga hore, warshada waxaa loogu tala galay in ay daabacdo buugaagta layliga ah ee ardada, Agaasimaha Guud ee warshada Xasan Nuur ayaa u sheegay Sabahi. Dhawrka bilood ee ugu horeeya 2013, waxay kale oo soo saaraysaa waraaqaha xafiisyada ee A4, buugaagta wax lagu qorto iyo kartoonada wax lagu rito, ayuu yidhi.

Dadaal loogu jiro in la joojiyo alaabaha warshada in dibada laga keeno, ayaa shirkadu sanadkan dhamaadkiisa ay samayn doontaa alaabteeda si ay waraaqo u samayso. “Waxaan rabnaa in aan isaga filaano alaabta daacaba oo wax soosaarkaanagu u baahn yahay, taas oo aan hada ka soo iibsano Shiinaha,” Nuur ayaa sidaas yidhi.

“Hadafkaanagu waa in aan waxsoosaarkaanaga ka iibino Soomaaliya oo dhan iyo wadamada dariska ah sida Jabuuti iyo Itoobiya,” ayuu sheegay.

Waxsoosaarka maxalliga ah oo xaalada wanaajinaya

Warshada cusub ee waraaqaha ayaa dadka gobalka ka kaalmaynaysa in ay lacag badan kaysadaan taa soo kaga bixi jirtay buugaata iyo waraaqaha xafiiska ee ay dibada ka keensadaan. Maxamed Shukri Jaamac, oo ah Gudoomiyaga Golaha Ganacsiga, Warshadaha iyo Beeraha ayaa sidaas yidhi.

“Waxay kordhin doontaa shaqo abuurka, cilmiga iyo maalgashiga, waanan soo dhawaynaynaa,” ayuu yidhi.

Shaqaalaha oo rastaynaya buugaag, waraaqaha xafiisyada iyo kartoonada wax lagu rito iyaga oo jooga Warshadda Waraaqaha ee AADCO. [Barkhad Dahir/Sabahi]

Shaqaalaha oo rastaynaya buugaag, waraaqaha xafiisyada iyo kartoonada wax lagu rito iyaga oo jooga Warshadda Waraaqaha ee AADCO. [Barkhad Dahir/Sabahi]

Laga bilaabo 2000 ilaa 2012, ayuu sheegay in hay’adiisu ay shatiga siisay 58 warshadood oo Soomaliland ku taala, kuwaas oo sameeya alaabo kala duwan, laakiinse 18 ayaa hada shaqdii wada. Wuxuu sheegay in warshadaha ciladaysan ay mid walba heshay inta u dhaxaysa $1 milyan iyo $5 milyan oo ay ka heshay dad khaas ah oo maal gashadayaal ah, laakiinse ay ku fashil meen in ay faaiido sameeyaan ugu danbayntiina la xidhay.

Wuxuu sheegay in xaaladaha cakiran, sida la’aanta taageerida dawlada, daymaha oo aysan heli karin iyo gar gaar xaga dawlada ahba, ay jalaafayn karaan waxsoosaarka maxaliga ah. Si loo kaalmeeyo warshadaynta maxaliga ah, canshuurta alaabta dibada laga keenayo waa in la kordhiyaa, si ay dadku u iibsadaan alaabta sida maxaliga ah loo soo saaro, ayuu yidhi.

Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Cabdirisaaq Khalif Axmed, kaas oo ka hadlay xafladii furitaanka, ayaa sheegay in wasaaradiisu ay qorshaynayso in ay sidaas samayso. Axmed ayaa sheegay in dhawaan uu u gudbiyay Wasaarada Maaliyada qorshe lagu kordhinayo canshuurta alaabta dibada laga keeno oo la mid ah alaabta gudaha lagu sameeyo si loo kaalmeeyo loona ilaamiyo warshadaynta maxaliga ah.

Madaxwayne gobaleedka Soomaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xadhiga ka jaray xaflada, isaga oo balan qaaday in maamulkiisu ay ka go’an tahay in ay maalgashiga gobalka kor u qaado ayna kordhiso shaqo abuurka iyada oo u sii maraysa siyaasado iyo kaalmo dhinaca tiknolojiyada ah.

Waxaa qoray Barkhad Daahir oo Hargaysa jooga

Isha: Sabahi

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal