(Salaamanews)-Xilli maalmo yar ay ka harsantahay munaasabadda ciidul adxaa ayaa waxaa dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda diinta iyo awqaafta ay soo saartay digniino ku socda shacabka Soomaaliyeed.
Agaasimaha waaxda arimaha diinta ee wasaarada awqaafta iyo arrimaha diinta Sheekh Cali Dheere, ayaa sheegay in ciidii hore lagu kacay falal ka baxsan Shareecada Islaamka, iyo xad gudub loo geystay bahaa’imka eebbe uu ugu nimceeyay umadda islaamka.
Shiikhu wuxu ka digay in lagu takri falo xoolaha nool, asigoo xusay in Sanadkii hore dowladda trukiga xoolo badan oo ay sadaqeysay loo isticmaalay si ka baxsan shareecada islaamka, wuxuuna tusaale u soo qaatay xoolo irmaan oo la gowracay taasina wuxuu ku sifeeyay mid aan shareecada qabin.
“Waxaan ka digeynaa in lagu takri falo nimcooleeyda eebbe umadda islaamka ugu deeqa, tusaale ahaan sanadkii hore dowladda turkiga wanaag bay sameysay oo sadaqey bixisay laakiin maxaa laga dhexlay waxaa laga helay in la gowracay xoolo irmaan oo caano leh taasina sharciga islaamka waa ka digay” ayuu yiri Shiikh Cali.
Sanadkii hore ayay aheyd markii xoolo badan oo isugu jiray Geel, lo’ iyo Ari oo intooda badan ahaa kuwa rimanaayeen qaarna ay ahayeen kuwo caano leh oo la nuugayay ay dowalada turkiga iyo dowlado kale ay u gowraceen dadkii ay abaarta sameysay sanadkii hore taasina ay saameyn ku yeelatay xoolaha soomaaliya.
Cabdishakuur Shakra, Salaamanews
shakra@salaamanews.com
Muqdisho, Soomaaliya




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






