Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Warar

Wasiirka maaliyadda Ciraaq ayaa si halis ah uga badbaaday isku day dil

(Salaamanews)-Wasiirka Maaliyada Dr.Rafa al-Issawi ayaa kamid ah siyaasiyiinta Sunnida oo todobaadyadii lasoo dhaafay hogaaminayey mudaharaadyada looga soo horjeedo Raysalwasaaraha Xukuumada u badan shiicada ee Nuuri Maliki.

Kolonyo uu la socday wasiirka ayaa bambaano wadada loogu aasay ku qaraxday mar ay marayeen wadada u dhaxeysa magaalooyinka Fallujah iyo Abu Qurayb oo galbeedka uga beegan magaalada caasimada ah ee Baqdaad.

Dr.Rafa al-Issawi oo kamid ah Xukuumada Midnimo Qaran ee uu Hogaamiyo Raysalwasaaraha Nuuri Maliki ayaa dhawaan ugu baaqay Raysalwasaarahiisa inuu xukunka isaga dego, wuxuuna Wasiirka Maaliyada qeyb weyn ku leeyahay mudaharaadyada muddada labada todobaad ah ka socda magaalooyinka ay u badan yihiin dadka sunnida ah ee Fallujah, Ramada iyo Samara.

Dowlada Ciraaq ayaa dhawaan xirtay 7 kamid ah Illaalada khaaska ah ee Wasiirka Maaliyada, waxayna xukuumada ku eedaysay illaaladiisa danbiyo la xariira argagaxiso.

Shacabka Sunnida ah ee ku dhaqan dalka Ciraaq ayaa ka cabanaya xukuumada u badan shiicada ee uu hogaamiyo Raysalwasaare Nuuri Maliki inay cunsuriyeeyaan ama caburiyaan dadka Sunnida ah.

Raysalwasaaraha Ciraaq ayaa dhawaan amaray in xabsiga laga siidaayo 700 haween maxaabiis ah, arrintaasi oo kamid ah qodobadii ay horey u codsanayeen dadka Sunnida ah ee mudaharaadka ka wada dalkaasi Ciraaq.

Wasiirka Maaliyada Rafa Al Essawi ayaa hogaaminaya isbaheysiga lagu magacaabo Ciraaqiya, waxaana lagu wadaa in isbaheysigiisa kamid noqdo xisbiyada sida weyn ugu loolama doorashooyinka Gobalada ee dalkaasi ka dhici doona 3 bilood kadib, waxaana sidoo kale doorashada Madaxtinimada ee dalkaasi dhici doontaa sanadka soo socda.

Salaamanews

Qahira, Maser

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal