Latest

May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - webdesign

Home » Warar

Weerarada Lagu Qaado Madaxda Dowladda oo Su’aal ka taagan tahay?

(Salaamanews)-Waxaa jira dhowr weerar oo lagu qaaday qaar ka tirsan saraakiisha iyo madaxda sare ee xukuumadda Soomaaliya oo socdaal shaqo ah ku marayay qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan magaala madaxda gobolkaas ee Marka.

Weeraradaas waxaa ugu dambeeyay labadii weerar ee shalay oo axad ahayd iyo maanta oo isniin ah lagu qaaday wafdi ay horkacayeen wasiirada gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

weerarkii saaka dhacay ayaa sida wararku sheegayaan waxaa qasaarihii ugu badnaa uu ka soo gaaray ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan qaar ka mid ah illaalada taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, kuwaasoo afar askari oo ka mid ah ciidankaas uu dhaawacooda uu ahaa mid culus, waxaana sida warar hadda na soo gaaray ay sheegayaan in mid ka mid ah askartaas uu goor dhoweyd u geeriyoodey dhaawicii soo gaaray, halka saddexda kalena dhaawacooda loo soo qaaday Muqdisho.

Haddaba marka weeraradaas dhaceen qaddar yar kadib waxaa si toos ah qaar ka mid ah idaacadaha waraysi ku saabsan sida wax u dhaceen u siiyay madaxda gobolka Shabeelaha Hoose, tusaale ahaan weerarkii shalay oo aan ahayn mid sidaa u weynaa waxaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka gobolkaas halka weerarkii cuslaa ee maanta dhacayna uu sial markiiba si toosa ah uga hadlay guddoomiyaha gobolkaas mudane Cabdulqaadir Siidii isagoo sharaxaad faahfaahsan ka bixiyay sida ay wax u dhaceen inkastoo uusan goobjoog ka ahayn goobtii uu shilku ka dhacay.

Haddaba suaaslaha isweydiinta mudan ee maanat shacabka reer Muqdisho isweydiinayaan ayaa waxaa kamid ah:

1- Madaxda gobolka Shabeelaha hoose mar walba ayay wadadaas isticmaalan wax weeraro ah oo lagu qaado ma jiraan, sababtu maxay tahay? waa suaal jawaab u baahan.

2- Sidee bay ku dhacday  daqiiqado yar kadib markii uu weerarku dhacay sidee buu guddoomiyaha gobolku ku awooday inuu helo tafaasiil ku saabsan sida wax u dhaceen isla markaana uu saxaafadda qaarkood ugu gudbiyay? waa suaal labaad oo jawaab u baahan.

3- qorshayaasha weeraradan gacan intee la eg ayay madaxda gobolka Shabeelaha Hoose ku leeyihiin?

Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka waxaan ugu baaqaynaa inay baaris dhab ah ku samayso weeraradan iska soo daba noqonaya ee isla hal goob mar walba lagula eeganayo madaxda qaranka.

Said Ahmed

Xigasho: Keyd Media

 

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal