(Salaamanews)-Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in dacwado lagu soo oogay shan qof oo uu ku jiro wariye Cabdicasiis Koronto oo lagu eedeeyey in ay sameeyeen warbixin been-abuur ah oo ku saabsan kufsi ka dhan ah Haweeney Soomaaliyeed.
UNPOS ayaa sheegtay in wariyaha lagu eedeeyey inuu u gafay sharafta hay’ad dowli ah iyo in uu baahiyay warbixin been abuur ah, iyadoo haweeneydii sheegatay in la kufsadayna lagu soo eedeeyey inay gudbisay warbixin been ah iyo inay u gaftay haybadda hay’ad dowli ah.
Hay’adda UNPOS wax ay walaac ka muujisay qaabkii ay u socdeen baaritaanka iyo xirnaanshaha wakhtiga dheer qaatay, iyadoo aan wax dambi ah lagu helin dadkaas.
UNPOS waxa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay u xaqiijisay in maxkamadaynta eedeysanayaasha ay u dhici doonto si xushmad leh, waafaqsanna sharciga u yaalla Soomaaliya iyo kan caalamiga ah.
Xafiiska waxa uu sheegay inuu la socon doono dacwadda ka dhanka ah dadkaan, ayna u rajeyneyso inay helaan maxkamadayn xaq ah, oo ku dhisan caddaalad.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xubno ka tirsan baarlamaanka Midowga Yurub ay waydiiyeen dacwadda ka dhanka ah wariyaha, haweeneyda sheegtay in la kufsaday iyo 3-da qod ee kale, ayaa ku adkaystay in hay’adda caddaaladda ay u madax bannaan tahay howlaheeda.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






