Latest

May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - May 15, 2013 - Soomaaliya oo tallaabooyin u qaadaysa si safaaradihii dib loogu furo ... - May 15, 2013 - Marnaanta halbeeg tacliineed oo gobolka ah ayaa hor istaagtey koboca ganacsiga Bariga Afrika ... - May 14, 2013 - SOMALIA: IOM assists Kenyans stranded in Bosaso to return home ... - May 14, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo saxiixay heshiis cusub oo ay xukuumaddu la gashay wadamada G7 ... - May 14, 2013 - Gobolka Baay oo horumar hiigsanaya ayaa wali marti u ah dagaalka al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Degmo Muqdisho ka tirsan oo waxbarsho bilaasha ah u fidisa haweenka ... - webdesign

Home » Warar, Waxbarashada

Xarun raadiye oo Muqdisho ku taal ayaa kaalmaynaysa dhalinta qoris iyo akhris la’aanta

Sabahi

Waxaa qoray Majiid Axmed oo Muqdisho jooga

Nofeembar 23, 2012

Soomaalida aan awoodin in ay tagaan iskuulada caadiga ah ayaa hadda awoodi kara in ay bartaan akhriska iyo qoraalka iyaga oo dhagaysanaya barnaamijta waxbarsho ee ay bixiso Raadiyo Iftiin, oo ah xarun baahinta ka bilwaday dhawr bilood ka hor magaalada Muqdisho iyada oo ka soo gasha 94.5 FM.

Raadiyo Iftiin ayaa ah xaruntii idaacaddeed ee wadanka ugu horaysay oo bixisa arrimo waxbarasho oo kali ah, kaas oo ka faaiidaysanaya ardada aan caadiga ahayn, sida xubnaha shacabka saboolka ah, dad wadanka gudihiisa ku bara kacay iyo kuwa dagan meelaha baadiyaha ah.

Waxaa kaliya ee ay ardaydu u baahan yihiin waa buug ay xarfaha alifbeetada ku qoran tahay si ay ula socdaan xilliga uu socdo barnaamjika waxbarasho ee idaacada.

Caruur iskuul oo dhagaysanaysa macalinkoodii iyaga oo jooga Dugsiga Hoose ee al-Anwar ee ku yaala xaafada Dharkeenlay ee Muqdisho. Xarun Raadiye oo cusub oo barnaamijyo waxbarasho leh ayaa ka kaalmaynaysa ardayda inay bartaan akhriska markii aysan xaadiri karin iskuulka. [Majiid Ahmed/Sabahi]

Daadihiyayaasha idaacada ayaa duruusta ku bilaaba in ay alifbeetada qabyo u kala googooyaan, iyaga oo baraya dhagaystayaasha sidii xaraf walba loogu dhawaaqi lahaa, kadibna loo higaadin lahaa looguna dhawaaqi lahaa xarfaha aasaasiga ah. Xilliga uu barnaamijku socdo, ayaa lagu boorinayaa waalidka in ay ka qayb qaataan ayna u shaqeeyaan sidii kalkaaliyayaal oo kale si ay uga kaalmeeyaan caruurtooda in ay qoraalka bartaan.

Xaruntan ayaa maalin walba bixisa barnaamjiyo waxbarasho oo ah Islaamka, waxbarashada dadka waawayn, waxbarashada bulshada, iyo barnaamijyo usbuuc walba ah oo u dhaxeeya arrimaha taariikhda Soomaaliya, dhaqanka, iyo sooyaalka, illaa iyo xallinta khilaafaadka iyo doorka ay haweenku ku leeyihiin bulshada. Barnaamijta inteeda badan ayaa ku wajahan caruurta iyo dhalinyarada, sida ku qoran bogga Internetka ee Raadiyo Iftiin.”Xarumaha kale ee maxalliga ah ee Soomaaliya waxay xoogga saaraan oo kaliya arrimaha siyaasadda, laakiin Raadiyo Ifiin ayaa ka shaqeeya arrimaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, xuquuqda banii’aadamka iyo waxbaridda bulshooyinka reer baadiyaha ah sidii ay u badbaadin lahaayeen bay’adda,” Maxamed Axmed oo ah madax ka tirsan Raadiyo Iftiin ayaa sidaas sheegay.

“Shacabka Soomaaliya waa dad aad u istcimaala wararka, sidaas darteed ayaa barnaamijteenu ay door aad u wayn uga ciyaaraysaa kor u qaadista akhriska iyo qoraalka iyo dhiira-galinta waxbarshada,” ayuu u sheegay Sabahi. “Raadiyo Iftiin ayaa ka shaqayn doona kor u qaadida wacyiga ahmiyada ay leedahay in iskuul loo diro loo diro caruurta gaadhay da’da iskuulka.

Wuxuu sheegay xaataa in dadka aan akhriska iyo qoraalka ka baranin barnaamijkan ay noqon doonaan xubno shacabka ah oo xog ogaal ah.

In kasta oo si khaas ah loo leeyahay ayaa xarumaha maxaliga ah ee idaacaduhu ay aad ay aad ugu soo bateen Soomaaliya, iyada oo in ka badan 23 xarumo idaacadeed ay ka shaqeeyaan caasimada kaliya, Raadiyo Iftiin ayaa ah xarunta kaliya ee xaga waxbrashada u go’day.

Horumarinta waxbarashada Soomaaliya

Xuseen Cabdi, oo madax waxbarasho kana shaqeeya Hay’adda Gargaarka Afrika, taas oo dhawr iskuul oo khaas ah ka wadda Soomaaliya, ayaa sheegay in furitaanka xarun waxbarsho ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday horumarinta waxbarashada wadanka.

“Samaynta xaruntan waxbarasho ayaa ah mid faa’iido badan, kumanaan dad ah, gaar ahaa kuwa aan waligood fursad u helin in ay waxbarasho helaan–sida kuwa ka soo jeeda bulshooyinka saboolka ah ama dadka wadanka gudihiisa ku bara kacay–ayaa ka faaiidaysan doona barnaamijta waxbarsho ee xarunta idaacadu ay bixiso,” ayuu u sheegay Sabahi. “Warbaahinta ayaa ciyaari kara kaalin muhiim ah ee dhinaca waxbaridda iyo hagidda, xarunta ayaa ah adeeg wayn oo gaadhi karta dhagaystayaal badan.”

Caruur fasal fadhida Iskuulka Hoose ee SYL oo ku yaala xaafada Hodan ee magaalada Muqdisho. Caruurta iskuulada ee aan awoodin in ay iskuul tagaan ayaa hadda barnaamijta waxbarasho ka heli karta Raadiyo Iftiin. [Majiid Ahmed/Sabahi]

“Barnaamijta laga sii daayo xaruntan waxay ka qayb qaadanayaan sidii qoris iyo akhris la’aanta looga cidhib tiri lahaa Soomaalida dhexdeeda, sababta oo ah waxay siinayaan fursado waxbarsho qaybo badan oo shacabka ah kuwaas oo aan caruurtooda u diri karin iskuul,” Cabdi ayaa sidaas sheegay.

Sababo la xidhiidha labaatameeyo sano oo xasilooni daro ah, ayaa qoris iyo akhris la’aanta iyo xadka is qorida iskuulada ee Soomaaliya ay hoosaysaa, gaar ahaan kuwa dagan meelaha baadiyaha iyo kuwa wadanka gudihiisa ku bara kacay.

“Waaxda waxbarashada ayaa ahayd mid aad ugu baahan xarun waxbarasho, waxaan rajaynaynaa in xaruntan ay yoolalkeeda waxbarasho xaqiijin doonto,” Cumar Maxamed, oo macalin ka ah Dugsiga sare ee Nuur kuna takhasusay habka waxbaridda ayaa sidaas yiri.

“Waddan Soomaaliya oo kale ah, oo xadka wax qorid iyo akhris la’aan ay sarayso, una dheer yihiin dhibaatooyin xagga ammaanka ah taasoo hor istaagaysa in ardaydu ay iskuul tagaan, ayaa siinta caruurta fursad ah in ay waxbartaan iyaga oo aan fasalo fadhiyin ay tahay mid aad muhiim ah,” ayuu u sheegay Sabahi.

Ayan Axmed, oo ah hooyo 38 jir ah afar caruur ahna leh, deganna xerada Saybiyaano ee dadka guri la’aanta ah ee Muqdisho, ayaa sheegtay in Raadiyo Muqdisho uu caruurteeda siiyay fursad ay ku bartaan sidii ay wax u akhrin lahaayeen una qori lahaayeen.

“Caruurtaydu iskuul ma aysan aadin, sababta oo ah ma aan awoodin inaan bixiyo lacagta iskuulka,” ayay u sheegaty Sabahi. “Caruurtaydu waxay wajihi lahaayeen mustaqbal madaw haddii aysan jiri lahayn barnaamijta waxbarsho ee ay xaruntan bixiso.”

“Waxaan doonaynayaa in aan si khaas ah ugu mahad celino qof walba oo ka qayb qaatay bilawga xaruntan, waxaan rajaynaynaa in Raadiyo Iftiin uu qof walba siin doono barnaamij tayo leh oo naajix ah,” ayay sheegtay.

Xigasho: Sabahi

 

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal