Latest

May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - May 15, 2013 - Soomaaliya oo tallaabooyin u qaadaysa si safaaradihii dib loogu furo ... - May 15, 2013 - Marnaanta halbeeg tacliineed oo gobolka ah ayaa hor istaagtey koboca ganacsiga Bariga Afrika ... - May 14, 2013 - SOMALIA: IOM assists Kenyans stranded in Bosaso to return home ... - May 14, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo saxiixay heshiis cusub oo ay xukuumaddu la gashay wadamada G7 ... - May 14, 2013 - Gobolka Baay oo horumar hiigsanaya ayaa wali marti u ah dagaalka al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Degmo Muqdisho ka tirsan oo waxbarsho bilaasha ah u fidisa haweenka ... - webdesign

Home » Maqaallo, Warar

Xayiraadda hubka ee wali saaran Soomaaliya oo halis ku ah guulaha ammaan ee Soomaaliya

Xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya ayaa wiiqaysa dadaallada xukuumadda ay dib ugu dhisayso ciidamada xoogga dalka iyo in la xoojiyo guulaha laga gaaray al-Shabaab, sida ay qabaan falanqeeyayaal ammaan iyo khubaro militari oo Soomaali ah.

“Cunaqabataynta hubka ee ay QM kusoo rogtay Soomaaliya waxa ay xukuumadda kahor istaagaysaa in ay hesho hub casri ah si loo xoojiyo ciidamada qaranka, ee la rafaadsan yaraanta agabka militari,” ayuu yiri Maxamed Faarax, oo ah sarkaal ka howl gabay ciidamada Soomaaliya.

Waxaa jirta baahi deg-deg ah oo loo qabo in la hubeeyo ciidamada qaranka si markaa ay awood ugu yeeshaan in ay dhabarka u ritaan mas’uuliyadadahooda ammaan halkii taa baddelkeeda looga tiirsanaan lahaa ciidamo shisheeye, sida Ciidamada Midowga Afrika ee Howlgalka u Jooga Soomaaliya, ayuu yiri. “[Waqtiga fog] kaliya ciidamada qaranka ayaa awood u yeelan doona in ay la tacaalaan xaaladaha ammaan ee dalka [balse kaliya] waa haddii loo hubeeyo si munaasib ah,” ayuu Faarax u sheegay Sabahi.

Ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka u jooga Soomaaliya oo difaac ku jira kadib markii ay al-Shabaab u galeen wadada Janaale 14-kii February. Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalbatay in laga qaado xayiraadda hubka si ay uga kaaftoonto ku tiirsanaanta militariga ajanabiga ah. [Tobin Jones/AU-UN IST/AFP]

Ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka u jooga Soomaaliya oo difaac ku jira kadib markii ay al-Shabaab u galeen wadada Janaale 14-kii February. Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalbatay in laga qaado xayiraadda hubka si ay uga kaaftoonto ku tiirsanaanta militariga ajanabiga ah. [Tobin Jones/AU-UN IST/AFP]

Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay dar-dar galisay dadaaladeeda si bulshada caalamka loogu riixo in ay cuna-qabataynta hubka ee la saaray Soomaaliya 1992-kii la qaaddo.

Bishii Oktoober 2012-kii, Midowga Afrika ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu baaqay in ay dib u eegaan cuna-qabataynta hubka ee la saaray Soomaaliya.

Hadal uu ka jeediyay shir-madaxeedkii Midowga Afrika ee Addis Ababa lagu qabtay 27-kii January, ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in cuna-qabataynta laga qaado Soomaaliya.

“Soomaaliya waxa ay soo jartay masaafo dheer, waxa ayna hadda u baahantahay taageerada caalamka,” ayuu yiri. “Waxaan dalbanaynaa in cuna-qabataynta hubka la qaado si markaa aan dib ugu dhisno ciidamadeena qaranka, aannuna u difaacno madax-banaanida dalkeena,” ayuu yiri.

Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa markaa kadib codsi u gudbiyay Golaha Ammaanka 1-dii February.

“Dadaallada la xoojinayo ayaa waxaa kamid ah … baahi deg-deg ah oo loo qabo in la horumariyo Ciidamada Ammaanka Qaranka Soomaaliya,” ayuu Ban ku yiri warbixinta. “Marka taa la tix-raaco, Golaha Ammaanka waxa la gudboon in uu tix-galiyo codsiga soo laalaabtay ee ka imanaya xukuumadda ee ah in laga qaado cuna-qabataynta hubka.”

Hadal ka soo baxay xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon ayaa lagusoo dhoweeyay hadalka Ban.

“Maanta Soomaaliya waa ay ka xooggantahay sidii ay aheyd 20-kii sano ee la soo dhaafay, adduunka dhanna taa wuu ogyahay,” ayuu yiri Shirdoon. “Waxaa wali na sugaysa waddo dheer, waan ka war qabaa in warbixinta ay ku jiraan xogo khatar ah, taa oo aan si taxaddar leh u darsi doono.”

Kahmiistiina (14-kii February), Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa golaha hadal u jeedisay, iyadoo mar kale ka codsatay in la qaado cuna-qabataynta si ciidamada Soomaaliya loogu oggolaado in ay la dagaalamaan al-Shabaab. “Ka takhallusidda haraadiga al-Shabaab waxa ay noo tahay mudnaanta koowaad,” ayay tiri.

“Soomaaliya waa ay ka baxday waqitigii kumeelgaarnimada, waxa ayna noqotay dal madax-banaan, balse waxa ay u baahantahay in ay hubayso ciidamadeeda si ay awood ugu yeelato in ay difaacdo madax banaanideeda,” ayuu yiri Gaashaanlle Sare Xasan Raage, oo howl gab ah, kana soo shaqeeyay Ciidamada Qaranka Soomaaliya intii ay jirtay Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre. Xaaladda hadda jirta waa fursad weyn oo ay tahay xukuumadda Soomaaliyana in ay ka faa’idaysato si ay u guulaysato, ayuu yiri.

In la hubiyo in hubku aannu ku dhicin gacmo khaldan

Cumar Daahir, oo madax ka ah Xarunta Casriyeeynta iyo Wadahadalka ee saldhigeedu yahay Muqdisho, ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay u baahantahay in ay hub soo iibsato si ay uga guuleysato al-Shabaab, balse waxa ay sidoo kale u baahantahay in ay soo bandhigto in ay si quman ula socon karto hubka.

“Xukuumaddu cusub waa in ay siisaa beesha caalamka damaanad qaad ah in hubku uu san ku dhici doonin gacmaha ururada argaggixisada haddiiba laqaado xayiraadda hubka,” ayuu u sheegay Sabahi.

“Beesha caalamka waa in ay ogaataa in ciidamada Soomaaliya ay ladagaallamayaan cadow heysta hub ay suurtagal tahay in uu ka xoog badanyahay midka ay heeystaan,”ayuu yiri. “Sababtaa daraadeed, suurta gal ma ahan in laga guuleeyso cadowga haddii aan ciidamada lagu qalabeeyn hub culus sida taangiyada, gawaarida gaashaaman iyo qalab kale oo militari. Taana ma dhici doonto inta cuna-qabateeyntu hubku ay jirto.”

Xukuumadda Somaliya wali kuma dhawaaqin qorshe cad ama farsamooyin lagu isticmaalayo ama lagu xakameeynayo qulqulka hubka cusub hadddii xayiraadda hubka laqaado.

Waxaa qoray Maajid Axmed oo Muqdisho jooga

Isha: Sabahi

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal