Latest

May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - webdesign

Home » Warar

Xubno Al-shabaab ka tirsan oo ismiidaamin fulin rabay oo lagu qabtay Kismaayo

(Salaamanews)-Ciidamada maamula magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose, ayaa sheegay inay baaritaan ay sameeyeen kadib soo heleen walxaha qarxa oo ay ku soo qabteen raggii watay, waxaana ay sheegeen inay ka hor tagaan weerar ismiidaamin ah oo lala damacsanaa saraakiisha hogaamisa maamulka Kismaayo.

Ciidamada uu hogaamiyo horjoogaha ururka Raaskambooni, Axmed Maxamed Islaam, ayaa gacanta ku soo dhigay 12-ruux oo dhallinyaro ah iyo hubkii ay wateen kadib howlgallo habeenkii xalay ahaa ay ciidamadu ka sameeyeen xaafadaha Kismaayo.

Baaritaanka oo xoogiisu uu ka dhacay xaafadaha Farjano iyo Dalcada ayaa waxaa siyaabooyin kala duwan loogu soo qabtay dhallinyaro, kuwaasoo qaarkood la sii daayay markii ay ciidanku ku waayeen wax dambi ah.

Dhallinyara oo xalay ku hoyday saldhiga baliiska magaalada Kismaayo, ayaa la sheegay in dhawaan lagu wareejin doono maxkamadda ciidamada magaalada, si ay xukunno kala duwan ugu rido ragaasi.

Taliyaha ammaanka magaalada Kismaayo Col. Axmed Diini oo Saxaafada kula hadlay magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in raggaan ay qaarkood ku cadahay inay ka tirsan yihii  xoogaga Al-Shabaab yihiin.

“Waxaan ku soo qab qabanay iyagoo sita walxaha qarxa, waxayna sameynayeen qorshe ay ku fulin rabeen weerar ismiidaamin ahaa, oo ay la damacsanaayeen taliska Kismaayo, marka waaba iska cadahay sababta ay noo soo weerari rabee” ayuu yiri Mr. Diini.

Col. Axmed Diini ayaa wuxuu tilmaamay in baaritaanada ay ku wadaan raggaasi, ay ku ogaanayaan haddii ay jiraan rag kale oo Al-Shabaab ka tirsan, oo ay ogsoon yihiin inay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo.

Mr. Diini ayaa wuxuu ugu dambeyn sheegay in hawl galada ay ka wadaan Magaalada Kismaayo ay sii socon doonaan, islamarkaana ay geli doonaan goob walba oo ay ku tuhmayaan kooxda  Al Shabaab.

 Salaamanews

Kismaayo, Jubadda-hoose

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal