Latest

May 22, 2013 - Somalia: Somaliland Leader Hosts EU Special Envoy to Somalia in Hargeisa ... - May 22, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo Muqdisho kula kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya ... - May 22, 2013 - Xukuumadda Soomaaliya oo bilawday qaadista isbaarooyinka sharci darada ah ee duleedka Muqdisho ... - May 22, 2013 - Safaricom oo raadinaysa fikrado wax ku ool ah oo la xidhiidha barnaamijyada moobiilllada ... - May 22, 2013 - Guddoomiyaha Gobolka Mandheera oo codsaday kulan lagu xaliyo shaqaaqooyinka qabiilada xuduudka isaga gudba ... - May 22, 2013 - Edward Hoseah: Musuq-maasuqa waan ka tirtiri karnaa Tansaaniya ... - May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - webdesign

Home » Islam, Warar

Xujeyda caalamul-islaam oo taagan banka carafo

(Salaamanews)-Maanta waa maalin weyn oo taariikhda islaamka macna ugu fadhisa dhamaan muslimiintana waxay xubnahoodu u jaheysan yihiin cibaadada allah, dhamaan dadka islaamka ah ayaa u qeybsan kuwa taagan banka carafat iyo kuwa sooman oo maalinta sagaalaadka weyneyn iyo qadarin u haya.

Xujeyda Sanadkan ayaa waxaa ku jira Soomaali badan oo ka kala timid gudaha Soomaaliya iyo dalalka kale ay ku nool yihiin,waxaana laga dheehan karaa shucuurta ay muujinayaan inay isku diyaariyeen cibaadada allah.

Dhamaan xujeyda ayaa saaka ka soo huleelay Mina, oo xalay ay ku hoydeen, waxaana ay u dareereen Banka Caraf si ay u gutaan waajibaadka ugu muhiimsan ee Acmaasha Xajka, oo hadii uu ku dhaafo acmaashaada xajka ay noqoneyso mid aan ansixin.

Xaramka

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sanadkan adeegyo cusub ku soo kordhisay Xajka, iyadoo meel walba la dhigay gawaarida gurmadka deg dega, sidoo kale meel walba oo 1-KM ah waxaa laga sameeyay goobo caafimaad, si qofkii xanuun dareema loogu daaweeyo.

Kumanaan isugu jira Boolis iyo Ciidamada Taraafikada ayaa kala hagaya xujeyda, waxaana meelaha qaar ku diyaarsan baabuurta qaada dadka waayeelada soo gaarto, sidoo kale waxaa jira gawaari lagu diyaariyay raashin iyo cabitaano meel walba yaala.

Shiikh Maxamed C/naasir oo kamid ah bulsha weynta Soomaaliyeed ee gudanaya wajibaadka xajika ayaa taleefanka iigu waramay wuxuuna sheegay inay ku rjaa weynyihiin inay gutaan mid kamid ah waajibaadka ugu muhiimsan ee eebbe uu saaray muslimiinta oo dhan cidii awoodda.

Mar aan taleefanka kula hadlay ayaa jawiga goobta uu ku sugnaa waxaa ka maqlay dhawaqan “Labeyka laahuma labeyk… “ waxaana la dareemi karay sida xujeyda caalamul islaami u gudanayaan waajibka eebbe.

Mar aan weydiiyay halka ay joogaan ayuu igu yiri “Waxaan gudaneynaa Xajka oo waxaan taaganahay banka carafe, qofkii uu dhaafo sanadkan sooma celin karo waa inuu sugaa sanadka kan xiga, dad badan oo malaayiin ah ayaa xajinaya soomaali badan ayaa kamid ah xujeyda” ayuu yiri Shiikha.

Shiikh Maxamuud oow Cabdulle Cariif oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa qeexay qiimaha uu leeyahay xajka waxaana uu xusay in xajku uu yahay mid kamid ah arkaanata islaamka, waxaana uu shegay rukniga shanaad ee islaamka inuu yahay xajka lagana rabo qofkii eebbe uu u suurrta galiyo.

Ilaa iyo hada waxaa la soo wariyay in labo ruux Soomaali ah ay geeriyootay, inta aanay bilaaban gudashada Xajka, Oday Soomaaliyed ayaa jiiray Gaari, halka qof dumar ahna xanuun ay la dhimatay, waxaana waxyaabaha layaabka ahaa ay aheyd in Haween Xujey ahaa ay ku umuleen Hotelada ay degenaayeen.

Jimcaha birrito ah  ayaa ah Ciidul Adxa ee Xoola Qalka waa maalin ay si aad ah ugu faraxsan yihiin Muslimiinta Caalamka meel waliba oo ay aduunyadu ka joogaan, maanta oo ah Sagaalka Carafo ayaa ah maalintii la dhameystiray Soo Degista Qur’aanka Kariimka waana maalin ahmiyad gaar ah u leh Muslimiinta Dunida meel waliba oo ay joogaan.

Cabdishakuur Shakra, Salaamanews

shakra@salaamanews.com

Muqdisho, Soomaaliya

Tags: ,

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal