Latest

May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - May 17, 2013 - Ciidamada dowladda oo iska difaacay weerar kaga yimid al-Shabaab ... - May 17, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyey miisaanidda iyo ajandooyin kale ... - May 16, 2013 - EU to step up security involvement in Somalia ... - May 16, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee koofurta Kuuriya ... - May 16, 2013 - Sidee loo arkaa doorashadii Kismaayo ee maamulka Jubba-land? ... - May 16, 2013 - Shaqaalaha Jabuuti oo codsanaya urur shaqaale oo midaysan ... - May 16, 2013 - Kenya oo ka gaabinaysa hirgalinta habaynta booliiska ... - May 16, 2013 - Nabadoon Cartan oo loo direy tacsi “Ilaahay ha cafiyo” ... - May 16, 2013 - Koofur Africa oo ka walaacsan argagaxiso fariisimo ku leh dalkeeda ... - May 15, 2013 - Somalia: European Union Training Mission To Train Somali Forces In Somalia ... - May 15, 2013 - Kismaayo: Axmed Madoobe oo ku guuleystay doorashada maamulka Jubba-land ... - May 15, 2013 - Dowladda madaxweyne Maxamuud oo isbeddal militariga ah sameysay ... - May 15, 2013 - Soomaalida oo si wanaagsan u xustay maalinta dhallinta iyo aas-aaskii SYL oo laga joogo 70-sano ... - May 15, 2013 - Soomaaliya oo tallaabooyin u qaadaysa si safaaradihii dib loogu furo ... - May 15, 2013 - Marnaanta halbeeg tacliineed oo gobolka ah ayaa hor istaagtey koboca ganacsiga Bariga Afrika ... - May 14, 2013 - SOMALIA: IOM assists Kenyans stranded in Bosaso to return home ... - May 14, 2013 - Ra’isal wasaare Shirdoon oo saxiixay heshiis cusub oo ay xukuumaddu la gashay wadamada G7 ... - May 14, 2013 - Gobolka Baay oo horumar hiigsanaya ayaa wali marti u ah dagaalka al-Shabaab ... - May 14, 2013 - Degmo Muqdisho ka tirsan oo waxbarsho bilaasha ah u fidisa haweenka ... - webdesign

Home » Warar

Xukuumadda Soomaaliya iyo qaramada midoobay oo heshiis muhiim ah wada galay

(Salaamanews)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Saacid ayaa xusay in kulankoodan ay uga wadahadleen sidii Q/midoobay ay u taageeri laheyd Dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaana taabagelinta qorsheyaasha Dowladda ee dhinacyada Garsoorka, Sugida Nabadgalyada dalka iyo weliba guud ahaan Dib u dhiska.

“Waxaanu si qota dheer uga wadahadalnay qodobo badan oo ay ugu horeyso aragtida Soomaaliyada cusub, iyo sidii Q/midoobay uga taageeri laheyd sidii Soomaaliya ay awood ugu yeelan laheyd sugida Amniga iyo dib u dhiska dalka” ayuu yiri R.wasaaraha oo xusay in booqashada Kaaliyaha Xoghayaha guud ay caddeyn u tahay sida Caalamku u doonayo inuu u garab istaago Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Kaaliyaha Xoghayaha guud Mr. Jeffrey Feltman ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kulan la qaato R.wasaaraha Xukuumada Rasmiga ah Mudane Saacid, isagoo tilmaamay in kulankani uu daba socdo kulan dhowaan dalka Itoobiya ku dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo Xoghayaha guud ee Q.midoobay Mr. Ban Ki-moon.sss

“Runtii wuxuu ahaa kulankani kulan muhiim ah oo aanu ka gaarnay isfaham iyo natiijo wanaagsan” ayuu yiri Feltman oo xusay in Q.midoobay ay u muuqato fursad wanaagsan oo ay ku garab istaagi karto Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee iyagu go’aansaday inay aayahooda hagaajiyaan, doortayna dowlad rasmi ah.

Kaaliyaha ayaa sidoo kale xusay in go’aan ka gaarista Aayaha Soomaaliyeed uu ku jiro gacanta madaxda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, Q/midoobayna ay uga dambeyneyso go’aamadooda, isagoo dhanka kale xusay in ay taageero u hayaan Dowladda iyo qorsheyaasheeda lixda ah oo haddii la taabageliyo keeneysa Horumar weyn oo dhinac kastaba leh.

Kulankan R.wasaaraha iyo Kaaliyaha waxaa kale oo ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C.kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud X. Faqi, Wasiirka Garsoorka Mudane C.llaahi Ebyan Nuur, iyo dhanka Q.midoobay oo uu ku wehliyay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud Amb. Augostine Mahiga.

Salaamanews

Muqdisho, Soomaaliya

Info@salaamanews.com

Tags:

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal