(Salaamanews)-Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ee Khamiista ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa mamnuucay ka ganacsiga agabka ciidamada sida dharka iyo hubka.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay mamnuucday ka ganacsiga hubka, rasaasta, dharka ciidanka gaar ahaan tuutaha, booshashka iyo dhammaan qalabka ciidamada.
Shirka oo uu shir guddoominayay ra’isal wasaaraha ayaa lagu ballan qaaday in la fulin doono qodobbada shirka ka soo baxay, kuwaas oo loo saaray xubno wasiirro ah.
Golaha ayaa sidoo kale isku raacay in bishan dhammaadkeeda xoolaha laga dhoofin karo maxjarka ku yaalla deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho, halkaas oo in muddo ah lagu baxnaaninayay.








![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






