(Salaamanews)-Dowladda Talyaaniga ayaa xukuntay burcad badeeddan oo lagu soo eedeeyay inay weerar ku qaadeen markab ah nuucyada saliidda qaada oo laga badbaadiyay kadib howlgal ay sameyeen ciidamada ku bahoobay howlgalka ATLANTA.
Maxkamadda magaalada Roma ayaa raggan burcad badeedda ah oo gaarayay 11-ruuux ku riday xukun adag oo ka dambeeyay qirasho dambe iyo cadeymo maxkamadda horteeda la keenay.
Mid kasta oo burcad badeeddan kamid ah ayaa qaadan doono seddex sano iyo bar xabsi ah waxaana dowladda Talyaaniga ay ku hanjabtay inaan la cafin doonin xukunka raggan.
Bishii January ee sanadkan ayay shufta badeedu weerartay markabkii The Valdarno, oo marayay xeebaha wadanka Yemen kaasoo howlo ganacsi u joogay xeebaha ku dhaw dalka Soomaaliya.
Qabshada Shufta badeedda la xukumay ayaa ka dambeysay weerar ay soo qaadeen diyaarado Helicopter ah oo laga leeyahay dalka Talyaaniga oo qabtay burcad badeedaasi.
Dhanka kale dowladda Ruushka ayaa sheegtay in si qotta dheer ay kaga fiirsaneyso howlgalka ciidankeedu ay ka wadaan xeebaha ku dhaw dalka Soomaaliya.
Dowladda Ruushka ayaa joojisay howlgalladii ay ka waday badda madoow iyadoo la socon doonta maraakiibta maraya Suez Canal, oo dagaal badani lagula jiro shufta badeedda.
Go’aanka Ruushka ayaa muujinaya saameynta wadamada yurub ay ku leeyihiin biyaha madoow oo dhawaan lagu murmay kadibna lagu eedeeyay Xukuumadda Moskow in ay hub u gudbisay Dimishiq.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com



![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






