(Salaamanews)-Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in sida ugu dhaw ay u soo bandhigi doonto xeerka ilaalinta xaqa iyo xuquuqda wariyaha, waxaana ay xukuumaddu muujisay sida loogu baahanyahay horumarinta tayada warbaahinta dalka Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta, boostaha iyo isgaarsiinta xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullahi Ciil-mooge Xirsi ayaa waxaa uu sheegay in ay diyaarinayaan xeer lagu hago siyaasadda warbaahineed ee dalka Soomaaliya.
Xeerkaasi oo qeexi doona xuquuqda aas aasiga ah ee wariyaha ayaa waxaa la hor geyn doonaa mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliyeed si ay uga soo talabixiyaan.
Wuxuu sheegay in xeerka cusub uu wax ku kordhinayo xeerkii horay u jiray si wariyaha uu u ilaaliyo anshaxa saxaafadda iyo shuruucda caalamiga ah ee warbaahinta.
Wasiirku wuxuu hoosta ka xarriiqay in ay isku dayi doonaan soo celinta nidaamkii warbaahineed iyo isgaarsiineed ee dalka si looga gudbo isbarbaryaaca ka jira dalka.
Mr Xirsi ayaa intaa ku sii daray in la tayeyn doono xirfadda wariyeyaasha dowladda, ee ka shaqeeya warbaahinta qaranka isla markaasina la sii ballaarin doono awoodda warbaahineed ee Raadiyaha iyo Telefashinka qaranka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii ayuu wasiirku cambaareeyay dilalka qorsheysan ee lagula kaco wariyeyaasha aan waxba galabsan ee dhibaatad adag ugu shaqeeyo shacabkooda, waxaana wacad ku qaaday in muhiimadda ugu horreysa ay siin doonaan amaanka wariyeyaasha.
Cabdishakuur Shakra, Salaamanews
shakra@salaamanews.com
Muqdisho, Soomaaliya




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






