(Salaamanews)-Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya, dowladda Soomaaliyeed waxba kalama socoto abaabulka shirka ay qaban qaabineyso hey’adda xuquuqul insaanka u qaabilsan qaramada midoobay.
Wasaaradda warfaafintu waxay sheegtay in shirka aan lagu soo wargalin isla markaasina ay iska kaashanayaan NGO-yo madax bannaan iyo hey’ado hoostaga qaramada midoobay.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan.
Sida ku cad dastuurka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Soomaaliyeeed waxey xaq dhowreeysaa, xurmeyneeysaana xuquuqda aadanaha iyadoo arrinkaas laga ambaqaadayo, Xukuumaddu waxey ku dhaqaaqday tallaabooyin cad cad oo lagu xaqiijinayo laguna dhowrayo xuquuqda Dumarka iyo dadka laga tirada badanyahay.
Dowladda Soomaliya waxay caddeyneysaa inay diyaar u tahay kana shaqeyneyso dhameystirka geedi socodka lagu meelmarinayo barnaamijka Universal Periodical Review (UPR), iyadoo meelmarinta barnaamijkaas uu ka dhimanyahay ansixinta Baarlamanka Soomaaliya oo qura.
Haddaba Xukuumadda Soomaaliya waxeey muujineysaa dareenka ay ka qabto shir ay abaabuleyso Hey’adda Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka oo kaashaneysa NGOs, shirkaas oo aysan dowladdu la socon waxna ka ogeyn abaabulkiisa iyo ajandihiisaba.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






