(Salaamanews)-Dowladda Mareykanka oo sheegtay in diiradda ay saareyso arrimaha Africa gaar ahaan wadamada ay dagaalladu sokeeya ka socdaan ayaa waxay muujisa sida ay ugu diyaar garoobeyso xallinta dagaallada ka socda dalalka Mali iyo Soomaaliya.
Xukuumadda Washington, waxay muujisay in dalalka Mali iyo Soomaaliya, ay ku xoogeysanayaan xoogag xiriir wanaagsan la leh ururka Al-qaacidda oo dagaal ba’an kula jiro wadamada xulufada la ah dowladda Mareykanka.
Ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan qaaradda Africa Amanda Dory, ayaa yiri “Waxaa socda dadaal bartilmaameedkiisu yahay in si hoose loo xalliyo mashaqada ka jirto labada waddan ee Mali iyo Somalia”.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inaanu jirin qorshe ay ciidamo ugu dirayaan Soomaaliya, balse waxaa meel wanaagsan maraya tababarro la siinayo ciidamada midowga Africa AMISOM ee ka dagaallama gudaha dalka Soomaaliya.
Washington, ayaa muujisay in la wiiqay awoodda kooxda Al-shabaab oo sanadkii hore laga qabsaday magaalooyinkii ugu muhiimsanaa oo ay kaga sugnaayeen koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda u qaabilsan qaaradda Africa, Johnnie Carson, ayaa sheegay inay ka go’antahay in xal waara ay ka gaaraan murannada ka dhashay dhibaatada ka socota dalka Soomaaliya, wuxuuna mushkiladda ku tilmaamay mid ka sii dhimaaneyso Muqdisho.
Mr Carson, ayaa ka digay inuu sii kobco xiriirka ay wadagaayaan ururrada ka dagaallama Africa ee ku wada xiran Shabakadda Al-qaacidda, asigoo Qatar ku tilmaamay kooxda Al-shabaab.
Salaamanews
Muqdisho, Soomaaliya
Info@salaamanews.com




![Mowliidka [bidix]](http://salaamanews.com/somali/wp-content/uploads/2013/01/Mowliidka-bidix.jpg)






