Latest

May 21, 2013 - Dibad bax ka dhacay Muqdisho oo lagu diiday mooshinka laga keenay xukuumadda RW Saacid ... - May 21, 2013 - Wafdi caalami ah oo tagay Kismaayo ayaa xal u raadinaya hogaanka fashilka u dhaw ee Jubba-land ... - May 21, 2013 - Xildhibaannada ka maqan fadhiyada baarlamaanka oo loogu goodiyey inay xilka weyn doonaan ... - May 21, 2013 - Dowladda Australia oo isku dayeysa inay xiriirka u wanaajiso Soomaaliya ... - May 21, 2013 - AMISOM oo ku dhawaaqday howl gallo saf ballaaran ah oo joogta ka noqon doona Muqdisho ... - May 21, 2013 - Madaxweynaha Puntland oo dowladda ku adkeeyey inay aqoonsato maamulka Jubba-land ... - May 20, 2013 - What happened to Somalia’s pirates? ... - May 20, 2013 - Soomaaliya oo soo celineysa xiriirkeedii Sudan ayaa horumar la rabta ciidankeeda xoogga ... - May 20, 2013 - Dowladda Ghana oo ku biirtay dowladaha taageersan Soomaaliya ... - May 20, 2013 - Muqdisho: Ammaanka iyo isdhex-galka bulshada oo laga dooday ... - May 20, 2013 - Madaxtooyada Muqdisho oo madaafiic lagu weeraray iyadoo al-Shabaab laga adkaaday ... - May 20, 2013 - Madaxweyne Maxamuud iyo gudoomiyaha baarlamaanka carabta oo kulmay ... - May 20, 2013 - Baarlamaanka Soomaaliya iyo hey’adda nabad sugidda qaranka oo muransan ... - May 19, 2013 - Bayaan: Kooxda al-Shabaab oo qirtay in khilaafka u dhexeeya uu keeni karo in labo garab ay u kala jabto ... - May 19, 2013 - Documents: Dowladda Soomaaliya oo baaq kulul u dirtay Somaliland ... - May 19, 2013 - Urur goboleedka IGAD oo saameyn muuqata ku leh arrimaha Jubbooyinka ayaa la kulmaya caqabo hor-leh ... - May 19, 2013 - Sharci-dajiyayaal Kenya oo halis ugu jira in ay xilka loogala noqdo dalbkooda mushaar kordhinta ... - May 19, 2013 - Sababaha ka danbeeya weerarada galbeedka Kenya oo aan wali caddayn ... - May 19, 2013 - Kenya: Nin lagu tuhmay argagaxisonimo iyo xaaskiisa oo la toogtay ... - May 18, 2013 - Kenya wants the Amisom troops in Somalia expanded ... - May 18, 2013 - Madaxweyne Maxamuud oo shirarka Kismaayo qaadacay ayaa baaq kama dambeys ah u direy Somaliland ... - May 18, 2013 - Kismaayo: Iyadoo ammaanka laga deyriyey ayaa waxaa magaalada yimid wafdi ka socday IGAD ... - May 18, 2013 - Somalialnd: Shacabka iyo madaxda oo xusay 18-ka bishan May ... - May 18, 2013 - AMISOM oo go’aan cad ka qaadatay muranka Jubbooyinka iyadoo Kenya ay ciidamo dheeraad ah rabto ... - May 17, 2013 - Sheekh Xasan Daahir oo ka deyriyey mustaqbalka fog ee kooxda al-Shabaab ayaa qiray inuu khilaaf baahsan jiro ... - May 17, 2013 - Xiisad isa soo taraysa xilli ay laba hogaamiye sheeganayaan madaxwaynanimada Jubbaland ... - May 17, 2013 - Soomaaliya oo isku diyaarinaysa in ay la wareegto maamulka hawadeeda ... - May 17, 2013 - Col. Barre Hiiraale oo isku sheegay madaxweynaha Jubba-land ayaa Gedo ka helay ciidamo gurmad ah ... - May 17, 2013 - Golaha xukuumadda oo isku raacay sharciga la dagaallanka argagaxisada ... - May 17, 2013 - Xukuumadda oo u yeertay ergadii ay u dirtay Kismaayo ... - webdesign

Home » Warar

Yuusuf Xaaji “Madaxda Kenya iskuma raacsana in Soomaalida dib loo celiyo”

(Salaamanews)-Wasaaradda gaashaandhiga dalka Kenya ayaa sheegtay inaanay is quseyn amniga Kenya iyo Soomaalida dalkooda ku noqonaya, waxaana dowladda Kenya ay sheegtay inaan leysku raacin dib u celinta qaxootida Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nairobi.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Kenya mudane yuusuf Xaaji, oo ka hadlay kulan uu la qaatay ganacsatda Soomaaliyeed ee dalka ayuu sheegay in golaha wasiirada dalka Kenya aysan go’aan ku gaarin in la barakiciyo Soomaalida ku nool dalka Kenya.

Wuxuu sheegay in golaha wasiirada Kenya aysan u wada dhameyn in dadka Soomaalida ee dhibaatooyinka dalkooda ka jira kasoo cararay dib loo barakaciyo oo lagu celiyo dalka Soomaaliya.

“Anigu waxaan ahay wasiirka Soomaalida matalaaya, ee laga soo doorto gobolka waqooyi bari, waxaana idiin sheegayaa inaanu jirin kulan wasiirrada kenya ay yeesheen oo leysku raacay in Soomaalida dib loo celiyo” ayuu yiri Yuusuf Xaaji.

Mr. Xaaji, Wuxuu sheegay in ciidamada Kenya ee howlgalka qab qabashada ka  xaafadda Islii ay dadka Soomaalida ah bareen lacag laaluush ah islamarkaana qof waliba oo leh goob ganacsi uu bixiyo lacago uu doonayo inuu kaga badbaado ciidanka.

Wasiirka difaaca dalka Kenya ayaa sheegay in Soomaalida looga baahan yahay in masuuliyiinta dhanka ciidanka ee Kenya ay ku soo wargeliyaan ciidamada dadka qab-qabanayo ee ku sugan islii ama ay soo gudbiyaan gaadiidka ay wataan taarikadooda.

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Soomaalida ku sugan waxa ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan oo ay kala kulmaan ciidanka,xilligan la joogana waa waqtiga ugu adag oo ay Soomaalida dhibaatoyinka ay dareemayaan.

Boqollaal Soomaali ah oo ka tagay Kenya ayaa ku noqday dalkooda Soomaaliya iyagoo ka baxsaday dhibaatooyinka ka taagan dalkani Kenya, mana jiro go’aan joogta ah oo ciidanku ay ka heystaan saraakiishooda.

Hadalka Yuusuf Xaaji ayaa imaanaya xilli madaxweyne Kibaki, uu horey Soomaalida ugu amray in dalkooda ay sida ugu dhaqsaha badan ugu laabtaan, isagoo sheegay inaan su’aal laga keeni doonin sii joogitaan ama tagitaanka Soomaalida.

Salaamanews

Nairobi, kenya

Info@salaamanews.com

Tags:

1 Jawaab

  1. mohamed ali says:

    Ku: Soomaalida Isliiiiiiiii
    Anigoo ah arday wax ka barta dalka masar
    waxaan fikir ahaan idinku darsanayaa

    In somalida islii eey sameeyaan website lagu aruuriyo sawirda
    sida askarta in aad sawiro ku xadaan
    iyo in aad taarikada gaariga sawirtaan

    marka website kaliga waxuu lahanayaa
    comment iyo meel sawirda upload loogu sameeyo

Halkan Hoose ku Jawaab

Copyright © 2013 Salaamanews · RSS · Farsamadii AqoonKaal